Shaahii Iiraan Illaa Kacaankii Khumayni Xaaskii Saddexaad Ee Shaahii Iiraan

0
453

QEYBTA  20AAD
 
 
 
Marwadii saddexaad ee Boqorkii Iiraan Maxamad Rida Bahlawi guursaday waxay ahayd  Farax Diba, waxaanu la aqal-galay iyadoo 21 jir ah. Farax Diba waxay ku dhalatay magaalo madaxda dalka Iraan ee Tahraan 14kii Oktoobar, 1938kii, waxayna ka dhalatay qoys ka mid ahaa dabaqadaha sare ee dalkaasi. Waxbarashadeedii hoose ilaa sare waxay ku dhammaysatay gudaha dalka Iiraan, waxayna ka mid ahayd gabdhaha ciyaaraha kubadda kollayga ee heer Qaran ee dalka Iiraan, waxayna ahayd kabtanka kooxdaas. Aabbaheed waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii Ilaalada Ciidammada Qasriga Boqortooyada, waxanu wax ku soo bartay Akaademiyada kuwa Ciidammada ah oo ku taal dalka Faransiiska oo ah Akaademiyad aad looga tix-geliyo dhinaca aqoonta. Qoyskoodu waxa uu ka soo jeeday Ajerbajaan, waxanu awowgeed ahaa diblomaasi muddo dheer ka soo shaqeeyey dalal kala duwan oo uu Safiir uga ahaa dalkiisa.
Farax Diba, waxay si aad ah ugu dhaweyd had iyo goor Aabbaheed, uguna tiirsanayd xag Waxbarasho iyo nolosheeda kaleba. Aabbaheed oo geeriyooday 1948kii, ayaa si baaxad leh wax uga beddelay noloshii raaxada lahayd ee ay ku dhex dabbaalanaysay, kadib markuu si laxaad leh hoos ugu dhacay dhaqaalihii qoyskoodu waqtiyadii ka dembeeyey geeridii Aabbaheed. Dhaqaale xumadii soo wajahday qoys ahaan, ayaa waxay ku kelliftay Farax iyo Hooyadeed inay ka baxaan gurigii weynaa ee Fiillada ahaa ee ay ku jireen, waxayna danta ku khasabtay inay guri iska dhexdhexaad ah la wadaagaan cid kale si kiradu ay uga yaraato.
Waxbarashadeedii Sare markay ku dhammaysatay Lycee Razi, ayaa waxay sii jeclaysatay inay sii wadato Waxbarashadeeda. Waxa ay tagtay magaalada Paris, halkaas oo ay ka bilowday barashada cilmiga Injineernimada, waxayna wax ka dhigan jirtay Machad la yidhaa Albert Besson, kharashka waxbarashadeedana waxa bixin jirtay Xukuumadda oo badanaa  ardayda loo diro Waxbarasho dibedeed ka bixin jirtay. Xilliyada fasaxa ayaa Farax Diba dib ugu laaban jirtay dalka Iiraan, muddadaana ay wixii ciyaaro ah kala qeyb gashaa kooxdeedii ay kabtanka u ahayd ee kubadda kolayga.
Boqorkii Iiraan, marka uu booqashooyinka rasmiga ah ugu baxo dalalka shisheeye, waxa uu inta badan kulan la yeelan jiray Arday la soo xulo oo ka mid ah kuwa dibedaha wax ku barta. Boqorkii Iiraan ayaa mar uu booqasho ku tagay dalka Faransiiska, magaalo madaxda Paris uu Safaaraddii Iiraan ee Paris kulan kula yeeshay koox arday ahayd oo ay ku jirtay Farax Diba, waxayna noqotay gabadhii afka ardayda ku hadlaysay ee la baray Boqorkii Iiraan. Isla sannadkaa waqtigii xagaaga ayey Farax Diba dib ugu laabatay magaalada Tahraan, waxana halkaa ka bilaabmay kulamo hoos-hoos ahaa oo uu Boqorku ka dalban jiray inay ugu timaado.
Hawshii xidhiidhinta ee kulamadooda waxa si gaar ah uga hawl geli jirtay Boqorkii Iiraan walaashii oo la odhan jiray Amiira Shahnaz, iyada ayaanu u diri jiray Boqorku mar allaale markuu u baahdo la kulankeeda muddadii ay ku sugnayd Tahraan. Intii aanay dib ugu laaban Paris, ayaa waxa ay Boqorkii Iiraan iyo gabadhii Farax Diba ku heshiiyeen guur, waxayna is-mehersadeen 23kii Nov, 1959kii, arooskoodiina waxa uu dhacay 20kii Dec, 1959kii, iyadoo 21 jir ah, isna uu ahaa 40 jir laba guur oo  hore soo maray. Waxa uu arooskoodii noqday mid si aad ah usoo jiitay indhihii Caalamka iyo Warbaahintaba, balse reer Iiraan aragtidoodu waxay ahayd mid ka duwan taa caalamka ee dhinaca siyaasadaha u badan, waxa kaliya ee ay carrabka si isku mida ugu wada hayeen, waxayna ahayd hal su’aal oo ah (BOQORADDA DA’DA YAR MA KA HELI DOONAA BOQRKU WIILKII KA DHAXLI LAHAA BOQORTOOYADA?) Boqoradda cusub ee dalka Iiraan laf ahaanteedu way dareensanayd, in Saygeedu uu si aad ah u jeclaa in ilmaha ugu horreeya ee ay u dhasho Farax uu noqdo wiil. Sidaa darteed iyada lafteeda arrintan waxa ay ku yeelatay raad, waxayna inta badan ka fikiri jirtay waxa dhici kara hadday carruur kala waayaan sidii Afadiisii hore ee Soraya ee ay kala tageen amase ay gabdho mooyee, wiil-ba dhali weydo.
L A   S O C O ……………………………………….
 
 
 
 

Leave a Reply