Dawladda Rwanda Oo Alaabadda u Xidhay Jaamacadda Mount Kenya Oo Farac Ku Leh Somaliland

0
446

 

Hargeysa(Dawan) Komishanka Taclliinta Sare ee dalka Ruwanda, ayaa albaabada u xidhay Jaamacadda la yidhaa Mount Kenya University bishii August, 2015, waxayna Komishanku ku eedeeyeen Jaamacaddaasi, inay tahay mid Koorsooyinkeeda Waxbarasho ka hooseeyaan heerkii looga baahnaa waxbarashada Taclliinta Sare.

Waxyaabaha kale ee ay ku eedeeyeen Komishanku Jaamacadda Mount Kenya, in inkastoo ay Jaamacaddu ku taal dalka, haddana fursadaha shaqo ee ay muwaadiniinta ka siiyeen ayey ku sheegeen inay tahay mid aad u yar. Waxa kale oo ay intaa ku dareen Guddigu in aanu ku jirin Maamulka Sare ee Hay’addaas xataa hal qof oo reer Ruwanda ahi.

Sidaa darteed, waxay Komishanka Taclliinta Sare ee dalka Ruwanda sheegeen, in mar haddii ay Buuxin weyday Barnaamijyadii Akaademi ahaan looga baahnaa in la laalay furnaashihii Jaamacaddaas ee magaalada Kigali ilaa inta ay wax ka qabanayaan hoos u dhacyadaa waxbarsho.

 Dalka Ruwanda ayaa Jaamacadda Mount Kenya laga furay shan sanno ka hor, waxayna xarumo ku kala lahayd Kigali iyo kicukiro.

Jaamacaddan albaabada loo laabay iyo kuwa kale oo ka sii hooseeya dhinaca tayada waxbarasho ee Taclliinta sare oo tiro badan ayaa ka furan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena Komishan la mid ah kuwa dalka Ruwanda ayaa ka dhisan. Tan iyo waqtigii la aasaasay Komishankaa oo loo dhisay inay wax ka qabtaan Jaamacadaha aan tayada Waxbarasho lahayn ee sannad walba kuwa cusub ku soo kordhayaan kuwii hore ee bilaa tayada ahaa, ayaanay wax tallaabo ah ka qaadin.    

 

 

Leave a Reply