Xaalada Burkina Faso iyo Wadahadalka Socda

0
342

Madaxweyneyaasha dalalka Benin iyo Senegal, Thomas Boni Yayi iyo Macky Sal oo hoggaaminaya mas’uuliyiinta wada wadahallada xalka lagu raadinayo ayaa wadahadal la yeeshay jeneraal Gilbert Diendere oo awoodda dalkaasi si xoogga ah ku qabsaday khamiistii hal maalin kaddib markii la afduubay madaxweyne Michel Kafando iyo wasiiraddiisii.
Haseyeeshee janaraalka ku qabsadey inqilaabka  Burkina Faso khamiistii ayaa ku adkeysanaya inuu awooda baaqi ku sii ahaan doono ilaa doorashadu ka qabsoomeyso, sidaasna waxa muujisey dhukment ay heshay warbaahintu.
Janaraal  Gilbert Diendere waxa uu taasi ka soo jeediyay wada xaajoodka ay wadaan dalalka Afrikada galbeed.
Afgembiga ka dhacay dalka Burkina Faso ayaa dhaliyey dibad-baxyo ka dhacay caaasimadda dalkaasi kuwaasoo horseeday dhimashada 10 qof iyo dhaawac 100 qof.
Xukuumadddii madaxweynaha xilka laga tuuray Michel Kafando ayaa xukunka la wareegay kaddib markii madaxweynihii hore ee dalkaasi Blaise Compare uu bishii October ee sanadkii hore culeys soo wajahay dartiis xilka uga tagay iyadoo qorshuhu ahaa in 11 bisha soo socota ee October la qabo doono doorasho  lagu soo dooran doono dowlada bedesha ta ku meel gaarka ah.
Afgemiga ka dhacay dalka Burkina Faso ayaa waxaa cambaareeyey Mareykanka, Faransiiska oo horay dalkaasi u guumeysan jiray iyo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika oo xubinnimadii dalka Burkina Faso ka xayuubiyey xubintii uu ka ahaa ururka.

Leave a Reply