Jeneraal lagu Dilay Masar

0
368

Dablay ayaa dalka Masar ku dishay Jeneraal booliis ah, waa toogashadii labaad ee sarkaal sare lagu dilo maalmihii u dambeeyay.
Dilkaasi waxa uu ka dhacay waqooyiga gobolka Sinaay.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in Axmed Cabdel Satar lagu toogtay banaanka xarun booliis oo ku taala caasimadda gobolkaasi ee Al-Arish.
Bishan horaanteedii laamaha ammaanka ee Masar ayaa gacanka Sinaay ka bilaabay hawlgal wayn oo ka dhan ah malayshiyaad xidhiidh la leh malayshiyada isku magacaaba Dawladda Islaamka.
Dadka jihaad doonka ah ayaa dilay boqolaal ka mid ah booliis iyo ciidammada tan iyo markii uu bilawday kacdoon labo sano ka hor.
 
 

Leave a Reply