Xukuumadda Oo Muunaysay Xaflad Loogu Dabaal-degay Machadka Shaqaalaha Oo Toban Jirsaday

0
267

“Marka Shaqaalaha Dawladda La Tayeeyo Waxa Hagaagaya Adeega Loo Hayo Ummadda..” C/raxmaan Saylici

By: Khadar M. Xaashi

 

 Hargaysa (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa ka qayb galay munaasibad lagu xusayay  toban  guuradii ka soo wareegtay markii  la aasaasay Machadka  tababarka shaqaalaha dawladda  ee Somaliland (Civil Service Institute), oo     shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Waxaana xafladaasi   ka soo qayb galay  xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,  agaasimaha machadka shaqaalaha dawladda ee dalka Itoobiya, xildhibaano, siyaasiyiin,  Maamulka iyo Madaxda Hay’ada shaqaalaha dawlada iyo ardayda ka mid ah kuwa wax ka barta machadkaasi.

Madaxweyne ku  xigeenka   oo   hadal ka jeediyay munaasibadaasi  ayaa sheegay in   shaqaalaha dawladda oo la tayeeyo  ay wanaajinayso  adeega xafiisyadda dawladda.  Isagoo tilmaamay in ay sharaf weyn u tahay in uu ka soo qayb gallo xuska toban guuradda ka soo wareegtay aasaaska machadka tababarka shaqaalaha dawladda.

Isaga  oo arrimahaasi  ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sharaf weyn ayay inoo tahay in aynu ka soo wada qayb galno, toban sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay Machadkan qiimaha weyn ugu fadhiya Jamhuuriyada Somaliland ee  Machadka Tababarka Shaqaalaha dawladda.  marka shaqaalaha  la tayeeyo waxa hagaagaya adeegi ummadda reer Somaliland loo hayay. Sannadkii  2005-tii haddii ay tahay odayaasha maalintaa diyaariyay qorsheyaasha ee  qoray iyo haddii ay tahay madaxi Hay’ada markaa joogay ee Cabdiraxmaanm,  run ahaantii waan hanbalyaynayaa.”

 

Dhinaca kale C/raxmaan Saylici, ayaa tilmaamay in mudooyinkan dambe wadamo badan oo ka tirsan qaaradda Afrika in ay ka koreen dagaaladdii iyo qorigii ay mudadda dheer isku haysteen, isla markaana ay maanta marayaan in ay horumarka iyo cilmiga is-gaadhsiiyaan.  sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu amaan u jeediyay  hay’adda  UNDP  oo muddo dheer gacanta ku soo haysay machadka shaqaalaha dawladda.  “Waxa kale oo aan hanbalyaynayaa Hay’ada UNDP oo mudadaa gacanta ku soo haysay machadka. Maanta waa ILLAAHAY mahadii in Afrika ay ka korayso dagaal iyo dhibaatooyinkii ay ku  jirtay, ama  qorigii ay isku haysan jirtay.   Maantana   aqoontii  iyo caqligii ay is-dhaafsanayso,  oo ay ku socoto in ay is-gaadhsiiso horumarka” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.CSI 2

Sidoo kale waxa  isna halkaasi hadal ka jeediyay Agaasimaha Machadka  shaqaalaha dawladda (CSI) Md. Guulleed Saleebaan Axmed, waxaanu sheegay in waxbarashada uu machadkani bixiyaa ay tahay sidii loo kobcin lahaa tayada waxbarasho ee shaqaalaha dawlada, koorsooyinka ay bixiyaana ay tahay qaar ay markii hore ay bixin jirtay jaamacada Hargaysa.

Guulleed Saleebaan Axmed, oo arrimahaasi ka hadlayayna   waxa uu yidhi “Machadkani waxa uu leeyahay barnaamijyo wada shaqayneed oo ah sidii kor loogu qaadi lahaa shaqaalaha dawladda.  Barnaamijyadda  waxbarasho ee Machadka dawladda waxaa  lagu bilaabay koorsooyin gaagaaban oo isugu jira agaasinka iyo maamulka. Kuwaas oo markii ugu horaysay  jaamacadda Hargeysa laga bixin jiray,  looguna talogalay in shaqaalaha si deg-dega  ah loogu dhiso tayada shaqadda,  imikana waad og-tihiin oo 24-ka saac waraaqo ayaa na loo soo qoraa,  lagu doonayo in aanu shaqaalaha ku tababarno,  annagoo  aanay barnaamijyadu diyaar ahayn.Waxaana  ILLAAHAY mahadii ah  in aanu  is-bedelka intaa le’eg  muddo toban sanno ah ku  gaadhno.”

Agaasimaha CSI, waxa kale oo faahfaahin ka bixiyay tiradda ardayda kala duwan ee machadkaasi ka faa’iidaystay mudaddii uu jiray,  iyo tiradda kuwa imika wax ka barta.

“Shaqaalaha ka faa’iideystay barnaamijyada Dibloomooyinka Machadka waxa ay tiradoodu dhan tahay 590, shaqaalaha dawlada ah, halka   ay dhan yihiin 240 imikana ay ku jiraan Machadka 620 arday oo shaqaale dawladeeda, barnaamijyada Digreega ah iyo kuwa gaagaaban ba dhigtay.” Guulleed Saleebaan Axmed.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawlada Mudane Maxamad Mixile Boqore,  oo isna madashaasi ka hadlay, ayaa sheegay in machadka shaqaalaha dawladdu uu buuxiyay baahi weyn oo loo qabay in lagu tayayeeyo  hawl-wadeenadda dawladda, waxaanu tilmaamay in machadku marayo meel wanaagsan oo u baahan in la taageero.

Leave a Reply