Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Digniin Adag U Jeediyay Garsooreyaasha Dalka

0
273

By:Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii looga tirtiri lahaa Maxkamadaha dalka musuq maasuqa,  qabyaalada iyo eexda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali ayaa sidaas ka sheegay tababar shalay loo soo xidhay xeer ilaaliyaasha, guddoomiyeyaasha  maxkamadaha  iyo garsooreyaasha dalka.

 “Waxa naga go’an oo imika aanu bilownay in dadka loo adeego oo aanu  la dagaalanno caadooyinka xun, haddii ay tahay eexda, qabyaalada iyo musuq maasuqa meeshii caadaalada lagaga shaqaynayay waa inay ka muuqato arrintan gudida cadaaladana way ka go’an tahay,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare.waxaanu intaas ku kabay  “Waxa kale oo jira gudida dabo-galka iyo baadhida kiisaska, gudida cadaalada ayay hoos yimaadaan waanuna xoojinaynaa oo heer gobol ayaan gaadhsiinaynaa oo gobol walba way ka shaqaynayaan oo waxa loogu tallo galay in qofku sharciga ilaaliyo, ka sharciga dadka ku ilaalinayaana isna waa inuu ilaaliyo.”

“Waxa naga go’an inta awoodayada ah iyada oo ay jiraan caqabado badan, dhaqanka dadka ayaana ugu horeeya, waxa weeyaan haddii ay dadkii doonayaan inay iyagu laaluush bixiyaan Garsoore walba iyaga ayaa laaluushka baraya.  waanan la dagaalamaynaa, maalin dhw waxyaalaha aanu hir gelin doono si ay sharaftii iyo karaamadii dib u soo kacdo waxaanu iclaaminaynaa dirayskii ay sadexda qolo lahaayeen. Waxa kale oo aanu dhawaan shaacin doonaa in  bulshada laaluushka bixinaysa iyaga laftooda tallaabo laga qaado, imika maxkamadaheenu saylad ayey noqdeen, Saylad loo shaqo tago oo dilaaliintu yimaadaan, dilaaliintaas oo dhana waa la xidh xidhayaa,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Guddoomiye Aadan Xaaji Cali.

 

Leave a Reply