“Heshiiskaa Waxaan u Arkaa Guul, Dalkana Xil Bay Ka Furteen, Waanan Ku Bogaadinaynaa” Guddoomiyaha Guurtida

0
314

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si kal iyo laaba u soo dhaweeyay heshiiska ay shirguddonka Golaha Wakiiladu ka gaadheen dagaalkii gacan kahadalka ahaa ee dhex maray Guddomiyaha Golaha Iyo Ku-xigeenkiisa koowaad 12-Kii bishan September 2015.
Guddomiye Saleebaan oo warbaahintu wax ka waydiisay dareenkiisa ku wajahan  is-laab xaadhashada shirguddonka Wakiilada waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa (Heshiiska shirguddonka wakiillada  guul ,qarankana xil bay ka furteen waan ku bogaadinaynaa waxaanan leeyahay waa mahadsantihiin.”
Dhanka kale, qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa si isku mida u soo dhaweeyay  heshiiska Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax ay ka gaadheen  xurguftii soo kala dhex gashay.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah Xildhibanada Muxaafidka ah ayaa ugu horrayn soo dhaweeyay go’aankan geesi nimada leh ee ay qaateen labada Guddomiye waxanu yidhi “Waan ugu duceeyay khilaafka ay soo dhamaysteen ,waa wixii laynagu yaqaanay, Golihiina khilaafkii bay ka saareen, marka aanu soo noqono caadi baanu hawlahayga u wadanaynaa.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isna ka tirsan Xildhibanada Mucaaridka ah ee golaha Wakiillada ayaa soo dhaweeyay  heshiiskani waxaanu yidhi “Waxaan soo dhawaynayaa khilaafka ay shirguddoonka sharafta leh  ay dhammaysteen , Golihiina waa ka aqbalay Shacabka Somaliland  halkaa ha ku ilaawaan dhacdadaa, waji cusub , Gole Cusub ,iyo Shirguddon tawfiiqleh ayaanu ALLE  ka baryaynaa .”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply