Guddoomiyaha Wakiiladda Iyo Ku-Xigeenkiisa Oo Fagaarihii Ay Isku Faro-saareen Kaga Dhawaaqay Inay Isa Saamaxeen

0
330

Hargeysa (Dawan): Shir-gudoonka golaha Wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in ay si shakhsiyan ah uga heshiiyeen gacan ka hadalkii 12-kii bishan dhex maray guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa koowaad C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro)  iyo Baashe Maxamed Faarax.
 
Fadhigii shalay ee golaha wakiiladda oo uu shirgudoominaayay gudoomiyaha golahaasi  Cabadiraxmaan Cirro,  ayay labadooduba  waxay ka sheegeen in ay si iskood ah heshiis uga gaadheen xurguftii  dhawaan dhexmrtay oo sababtay dagaal gacan ka hadal ah.
C/raxmaan Cirro  oo fadhigaas hadal kooban ka jeediyay  ayaa nasiib darro ku tilmaamay  in iyagoo xil qaran haya ay cashabkii soo doortay ku hor dagaalamaan.Waxaanu  yidhi “Markii aanu aragnay dareenka mudaneyaasha golaha wakiillada, ee dhacdadii 12-kii September oo ahaa inay aad uga xun yihiin, markaanu aragnay dareenka shacabka na soo doortay ee isla dhacdadaas. Markii aanu garowsannay inaanu nahay masuuliyiin qaranka xilal u haya.Waxaanu  go’aansanay in aniga iyo guddoomiye xigeenka koowaad mudane Baashe Maxamed Faarax aanu dhacdadii halkan ka dhacday ka heshiinno oo iska saamaxno, goluhuna isa saamaxo, shacabka iyo golahana aanu raali galin ka siinno. Markaa waxaanu jecelahay inaanu hortiina isku gacan qaadno.”
Sidoo kale  gudoomiye ku-xigeenka koowaad  Baashe Maxamed faarax  ayaa isna waxa uu sheegay in qaladkii ka dhacay golaha wakiilada uu danta ummada awgeed u liqay,isagoo xusay in dhacdadaasi ay  ahayd mid aan laga filaynin.
Waxaanu  yidhi “Wixii cishadii dhawayd halkan ka dhacay siday doonto ha noqoto eh, waxaanu isla garanay inaanu raali galin ka siinno xildhibaannada golaha wakiillada ee aanu shirguddoonka u ahayn. Xildhibaannada waa laga filan karaa laakiin, shirguddoonka waa markii u horaysay, dadkuna waa bani’aadam oo waa is qabtaa laakiin, waxaa ka fiican in laga heshiiyo, shacbiga Somaliland eenu xilka u haynana raaligalin ayaanu siinaynaa.”
 
 
 
Dhinaca kale gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Dr. Cali  Yuusuf Axmed oo isna fadhigaas hadal kooban  ka jeediyay ayaa  guddoomiyaha iyo ku xigeenka ku amaanay heshiiska ay ka gaadheen gacan ka hadalkii dhex maray.
“Marka hore Illaahay ayaa mahad leh, mar labaadna waxaa mahadsan guddoomiye Cirro iyo guddoomiye xigeenka koowaad Baashe oo inoo fududeeyay, isla markaana iyagu dhexdooda ka heshiiyay, xurguftii dhawaan ku dhex martay xarunta golaha wakiilada” ayuu yidhi Cali Yuusuf. Intaasi ka dib guddoomiye C/raxmaan Cirro ayaa xildhibaanadda ku wargeliyay in goluhu galay fasaxoodii caadiga ahaa oo qaadan doona  muddo laba bilooda ah.
By: Jamaal C/Raxmaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply