Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Oo Ka Goostay Puntland, Una Hiiloobay Somaliland

0
319

Xudun (Dawan)- Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah madaxdhaqameedka ugu faca-weyn reer Somaliland, gaar ahaan isimada gobolka Sool ayaa shalay markii ugu horraysay caddeeyay mawqifka iyo aragtidiisa la xidhiidha qarannimada iyo jiritaanka Somaliland.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa si cad u bayaamiyay mawqifkiisa siyaasadeed, waxaanu caddeeyay in uu aqoonsan yahay jiritaanka iyo qarannimada Somaliland, isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland  ay xaq u leedahay maamulida iyo ka talinta deegaamada uu ka soo jeedo oo khariirad ahaan iyo dhul ahaanba ka tirsan Somaliland.
Garaad Saleebaan waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Xudun ee gobolka Sool, waxa kale oo uu shirkaasi jaraa’id kaga hadlay colaadda ka oogan deegaanka Qorilay oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
“Ha la joojiyo gurmadka ka imanaya Mudug iyo Gaalkacayo ee xasuuqa ka gaysanaya Qorilay, meeday madaxdii Puntland, mee Madaxweynihii, Madaxweyne ku xigeenkii, iyo madax dhaqameedkii? Ha joojiyeen colaada,”ayuu yidhi Garaadku. Waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland iyo ciidamada qaranka ee jooga Karin iyo Kala-baydh in ay dhexdhexaadiyaan labada beleed,”ayuu yidhi Garaadku.
Garaad Saleebaan ayaa si buuxda uga soo horjeestay kuna gacan saydhay maamul goboleedka Puntland oo dhawaan ugu yeedhay shir lagu qabtay magaalada Gaalkacayo.
By: Faysal Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply