Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Sababta Uu Uga Hadhay Weftigii Madaxweynaha

0
308

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay  wararka sheegayay  in sababta uu uga hadhay weftigii uu hogaaminayay madaxweyne Siilaanyo  ay tahay olole siyaasadeed oo la xidhiidha shirweynaha xisbiga KULMIYE  oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 10-ka bisha October ee fooda innagu soo haysa.
 
Maxamed Biixi, waxa uu sheegay in aanay jirin wax  olole siyaasadeed ah  oo  uu uga hadhay weftiga madaxweynaha, balse  ay tahay  arrin dan qaran ah taasi oo ah    sidii uu u qaabili lahaa  wefti balaadhan oo ka socda shirkadda Mediterranean Shipping  Company oo dalka yimid  Isniintii  todobaadkan, shirkadaasi  oo ka mid ah dhawr shirkadood oo u heelan  inay  maalgashadaan dekedda Berbera.
 
Wasiir Biixi, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo ku sugan magaaladda Hargeysa  waxa uu tilmaamay  in  ay isku soo beeg-meen bixitaankii wefiga madaxweynaha iyo imaatinka weftigan ka socda shirkadda  Mediterranean Shipping  Company  oo hore   qorsheeyay  in  isagu uu qaabilo. Maadaama  oo ay jirtay casuumad ay Somaliland u fidisay  shirkadaasi, sidaas darteedna uu isagu u joogay sidii uu u soo dhaweyn lahaa. Waxaanu  intaas ku daray  isaga iyo xubno kale oo Wasiirro ahi ay maalmaha soo socda  ka daba tegayaan weftiga madaxweynaha.
 
Waxa kale oo uu sheegay in safarka uu madaxweyne  Siilaanyo  ku tegayo dalka Ireland ay ka soo shaqaysay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, taasi oo uu ku tilmaamay mid ay ku doonayaan xidhiidh wanaagsan oo dhex mara Somaliland iyo Jamhuuriyadda Ireland.
isagoo faahfaahin ka bixinayay socdaalka  madaxweyne Axmed Siilaanyo   ku tegayo   Irland, waxa uu yidhi  “Wasaaradda khaarajiga Somaliland ayaa ka soo shaqaysay arrintaasi oo madaxweynaha Ireland inuu casuumad soo siiyo dawladda Somaliland iyo madaxweynaha Somaliland.  markaa wasaaradda khaarajiga ayaa casuumadda  uga soo qaban qaabisay madaxweynaha Ireland, in   uu soo casuumo madaxweynaha Somaliland.
 
Aniguna  waan  tegayaa, oo marti-qaadka uu madaxweynaha Jamhuuriyada Ireland u fidiyay, waxa weeye marti-qaad aad u balaadhan,  oo aanu doonayno in aanu cilaaqaad cusub kula yeelano dawladda Ireland”.
 
Waxa uu sheegay inay la kulmi doonaan madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Ireland iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, iyo sidoo kale  jaaliyadda reer Somaliland ee degan  Ireland. “Waxaanu la kulmi doonaa madaxweynaha iyo wasiirka khaarajiga ee Jamhuuriyadda Ireland.   Waxa kale oo aanu la kulmi doonaa ganacsatada iyo qolooyinkii nabadda ka shaqayn jiray ee Ireland, iyo qaybaha bulshadda  rayidka ah ee Irland.  Waxa kale oo aanu la kulmi doonaa    jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Ireland,  waxaanu tegaynaa magaaladda caasimadda ah ee Babbling” ayuu yidhi wasiir Biixi.
 
Maxamed Biixi ayaa intaasi ku daray in isaga iyo xubno kale oo wasiirro ahi ay maalmaha soo socda ka daba tegayaan weftiga madaxweynaha, oo ay kaga biiri doonaan magaaladda Dubai oo ay hadda ku sugan yihiin weftiga madaxweynuhu, isla markaana la qorsheeyay inay afarta bisha soo socota u amba baxaan Ireland. Waxaanu yidhi “Waan ka daba tegayaa weftiga madaxweynaha, waxaanan ku biiraynaa aniga iyo xubno kale oo wasiirro ahi maalmaha soo socda, afarta bisha October ee  soo socota ayaanu ka baxaynaa Dubai”.
 
Mar uu ka hadlayay arrinta maalmahan sida weyn la iskula dhex-marayay ee ah  sababta uu weftiga madaxweynaha uga hadhay,   waxa uu yidhi “Wax allaale iyo   wax ka jiraa arrintaasi ma jiraan.   Waxaan u hadhay waxay ahayd, oo aan imikana la joogaa oo aanu  caawa (xalay) casho  u samaynay wefti  balaadhan oo ka socda shirkadda  la yidhaahdo Mediterranean  Shipping  Company oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka, ee  danaynaya  dekedda Berbera   inay maalgashadaan.
 
Weftigaasi oo tegay magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale,  ayaanu shirar la lahayn aniga iyo wasiirka qorshaynta iyo wasiirka hawlaha guud. Markaa maadaama oo aanu anagu soo marti qaadnay weftigan ka socda shirkaddaasi, waanu ka wada tegi kari waynay. markaa waxaan u joogay shaqadda qaranka, oo ah in aanu dalka ku soo dhawayno dadkaasi aadka u jecel inay ka soo qaybgalaan tartanka dekedda Berbera. arrimo laga tegi karro may ahayn, markaa sidaas ayaan u joogay”.
 
 
 
Waxaanu intaasi ku daray “Weftigani  waxay dalka yimaadeen Isniintii todobaadkan, waxay tegeen Berbera, waxaanu geynay magaaladda Tog-wajaale si ay u arkaan jidka iyo xuduudka, maanta (shalay)  ayay ka soo noqdeen, caawa-na  (xalay) aniga iyo wasiirradda qorshaynta iyo hawlaha guud shirar ayaanu la lahayn,  galabta ilaa hadda.   Markaa taa awgeed ayaan uga joogay in aan raaco maalintii uu baxayay weftiga madaxweynuhu”ayuu yidhi Md. Biixi.
Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu sheegay in  shirkadda Mediterranean shipping company ay  ka mid tahay  shirkaddo doonaya inay maalgashadaan dekedda Berbera. “Mediterranean shipping  company waxay ka mid tahay dhawrka shirkadood ee waaweyn  ee rabba inay maalgashadaan dekedda Berbera, ee u tartamaya.”
By:  Khadar  Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply