Tirada Xujaajtii ku Dhimatay Makka oo Su’aal la Geliyay iyo Dalalka ay u kala Dhasheen

0
335

Saraakiisha Sacuudiga ayaa ku gacmo saydhey warar sheegayay in ay ku dhinteen in ka badan kun xaaji isjiidhkii ka dhacay Makka toddobaadkii hore xujaajtii  gudanaysay waajibaadka xajka.
Sarkaal Neyjeeriyaan ah ayaa sheegay in  1,075 meyd loo geeyay tallaajadaha meydka ee magaalada Jiddah – taas oo ka badan tiradii sucuudigu sheegay ee aheyd 769.
Dalal kale ayaa iyana sheegay in loo soo gudbiyay sawirada meydad  gaadhaya 1,090.
Haseyeeshee saraakiisha Sucuudiga  ayaa sheegaya in sawiradaasi ay ku jireen dad kale oo ku dhintey xajka oo aan la aqoonsan balse aan ku dhiman is jiidhkii.
capital in Tehran has seen several angry protests since the disaster
Dalalka kale ee ku dooday tirada kun ka badan ee xujaajta ayaa waxa ka mid ah Indiya, Pakistani iyo  Indonesiya  oo sheegay in ay filayaan in ay dhinteen ka badan kun xaaji.
Sida oo kale 934 xaaji ayaa ku dhaawacmay is jiidhka xujaajta.
Dhacdadan khamiistii ayaa aheyd tii ugu dareyd  ee soo marta xajka muddo 25 sano ah.
 
Xujaajta ku dhimatey shilkaasi ayaa ilaa hadda waxa la sheegay in ay u kala dhasheen dalalka  Iiraan 228 , Marooko 87, Masar 74, Hindiya 45, Bakistaan, Kamaruun 20, Neyjar 19, Jaad 11, Soomaali 8, Senegaal 5 iyo Aljeeriya,Tansaaniya iyo Turki oo min 4 xaaji ka dhinteen iyo sida oo kale dalalka Indoonisiya, Kenya iyo Neyjeeriya oo min 3 ka baxeen iyo Nethrland, Burundi iyo Burkinofasi oo min hal xaji kaga dhintey isjiidhkii xajka ka dhacey maalintii ciida.
 

Leave a Reply