Hab-dhaqanka Suuban Ee Geedi Socodka Dimuqraadiyadda Somaliland

0
323

Inta aynaan u daadegin dulucda qoraalkan,  Somaliland laba ayeynu u kala qaadaynaa.  midi  waa ta saldhiga ujeedada wargelinta qoraalkani xanbaarsan tahay oo ah cida masuuliyadda qaranku saran tahay,  oo kala ah hay’adaha qaranka haddii ay tahay Fulin, Sharci dejin, Cadaalad iyo hay’adaha siyaasadeed sida xisbiyada, gudidda doorashooyinka  iyo cid Alaale oo ku lug leh hab dhismeedka awooda qarannimo.
 
Mida  kale waa inta badan oo ah shacabka ahna loo adeegaha uu qaranku ku dhisan yahay dhanka kalena ah raciyad.
Maxaa laga rabaa Somaliland si ay ula jaan qaado dhaqanka suuban ee ku dheehan geedi socodka dimuqraadiyada iyo maamul wanaaga, waana  sidan:
 

  1. (New political thinking) waa fikir cusub oo la jaanqaadi kara is badal siyaasadeed, oo ah mid lagu   badalo habka siyaasada Somaliland lagu soo hogaamin jirey ilaa imikana lagu hogaamiyo ee kudhisan beelaysi, gobolaysi, qola qolo iyo qabiilno.
  2. (New constitutional changes) waa hab cusub oo ah in distoorka wax ka badal iyo saxid lagu sameeyo, si looga baxo muranada  aanu distoorku si cad u qay xeyn ama aan ku qornayen distoorka , haday tahay muran siyaasadeed, dhaqaale, hanti qaran, ama awoodaha sharci sida loo kala leeyahay.
  3. (New electoral constituency making). Waa hab cusub oo deeganka doorashooyinka loo sameeyo dalka, oo ka badalan ka dalka ka jira ee ku dhisan gobalo.

Intaas oo mid waliba u baahantahay ka baaran degideeda iyo aqoonteeda ayaa lagu gaadhi karaa habka suuban ee dimuqraadiyada iyo maamulka wanaagsan oo ay xuduntu u tahay ( secret ballot box and one man one vote policy).
 
Taas oo reebaysa dhaqanka xun een meelna ka soo galin dimuqraadiyada iyo maamul wanaaga ee xuduntu u tahay ( declaring choice in public) oo ah ku ansixin sharci ama ku xulasho, far ama gacan taagid, oo ay isticmaalan dawaladaha wadamadooda aan lagaga dhaqmin dimuqraadiyada ama ku yartahay maamul wanaagu.
 
Taasina  wax ay u horseedaa dalka taas ku dhaqma corruption, bribery, intimidation and nepotism  based on tribalism, taas oo sharaxaad dheer u baahnayeyn oo lawada garanayo cawaaqib xumadeed.
Hadba si taas looga hor tago ama loo jojiyo wax Somaliland Masuuliynteeda Fulineed, Sharci dajineed, cadaaladeed iyo  siyaasadeed xisbiyo, gudi doorashooyineed iyo cidii kale ee awooda qaraneed iyo dawladeedba gacanta ku haysa wax shacabka Somaliland iyo beesha Caalamka ee xasiloonida.
 
Deganaanshaha  amni iyo geedi socodka dimuqraadiyada iyo maamul wanaaga Somaliland daneeyaba ka dhawr sugayaan kulana xisaabtamayaan masuuliyntaas aan kor ku soo xusay, in ay inta ay ugu yartahay saddex qodob ee kor ku xusan ay dhamaystiraan inta ka horeysa doorashooynka soo socda ee ku beegan 2017.
 
Naasir Ghalib/ Naasirsyd Gabane

Leave a Reply