Xildhibaan Cali Barre Oo Sheegay In Shacabka Bariga Sanaag Ay Ka Qayb Galayaan Doorashooyinka

0
303

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan  Cali  Maxamed Aadan  (Cali Barre) oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in dadka ku dhaqan deegaamada bariga gobolka Sanaag ay diyaar u yihiin in ay galaan doorashooyinka soo socda, isla markaana ay qaataan kaadhka diwaangalinta madaniga ah.
Xildhibaan Cali Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in uu madaxweynaha u gudbiyay tallooyin ku wajahan  sidii doorashooyinku uga dhici laahaayeen deegaamada barriga gobalka Sanaag, waxna loogu qaban lahaa dadweynaha deegaankaas.
“Ummadda ku nool  Dhahar ilaa Laasqoray diyaar ayay u tahay in ay doorashada galaan iyo diiiwaan-gelinta, wax yaabaha ka dhimanna ee kabayana ee u baahan in la kabana waan soo gudbinay oo madaxweynaha waan u gudbiyay, inta aanay diiwaangalinta codbixiyayaashu bilaabmin, waana rajaynaynaa in xukuumadu tallaabadaa qaado, oo xaga xoojinta   ciidamada amniga iyo wixii horumar ah ee dadka loo qabanayo,’’ayuu yidhi Xildhibaan Cali Barre.
 
Xildhibaan Cali Barre waxa kale oo uu xusay  in gobalada bari ay ka dambeeyaan dalka intiisa kale xaga horumarka. Waxaanu yidhi  “Mid la iskuma hayo, in goballada barigu ka dambeeyaan gobalada kale ee dalka xaga horumarka, illaa 1993-kii dawladii Boorama lagu soo dhisay illaa maalintaa xaldhibaan ayaan ahaa illaa, maanta waanu baraarujinayaa oo tallada waan u jeedinayay xukuumadda markaa jirta, mana daynayno oo waa xilkayagii waan wadaynaa illaa la dhammastiro.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in aanay jiririn khilaaf u dhaxaaya siyaasiyiinta ka soo jeeda bariga gobalka Sanaag. waxaanu  yidhi, “Horta wax is haya oo siyaasiyiin iyo wasiirrada deegaamadaa bariga Sanaag ee Hargeysa jooga oo is hayaa ma jirto waxbana iskuma khilaafsana waana midaysan nahay.”
By: Khadar M. Dhako 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply