Hawl-gal Gaadiidka Bacaha Lagaga Jarayo Oo Laga Fuliyay Hargeysa

0
291

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sarreeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shalay ka warbixiyay hawlgal ballaadhan oo ay si wada jir ah dalka oo dhan uga fuliyeen ciidamada Booliska iyo ciidamada nabadgelyada waddooyinka oo ay baabuurta kaga goynayeen bacaha madow ee beersoosha loo yaqaano.
Taliyuhu wuxuu  sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ciidanka booliska iyo ciidanka nabadgaliyada wadooyinka oo iskaashanayaa ay baabuurta bacaha kaga jarayeen meelaha wadooyinka halbawlaha u ah caasimada Hargeysa.
Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa hoosta ka xariiqay in ciidammada Bilaysku  ay Maalin iyo Habeenba u taagan yihiin heegana ugu jiraan sidii wadooyinka magaalada Hargeysa dhexmara, inta ay baabuurta ku joojiyaan ay bacaha uga goyn lahaayeen.
“Arrinka koowaad ee mihiimka ah ee looga fujinayaa gaadiidka bacahan daaha looga dhigay, cid waliba wax bay ku qarsanaysaa , waayo nabadgaliyada halis ayay ku yihiin takale waxa ay sababaan bacahaa beersoosha ah iyo daahyada lagu xidhayaa baabuurta shilalka, ayay qayb weyn ka qaataan,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.
 
Dhanka kale waxa uu sheegay in la diwaangaliyay baabuurta laga jaray bacaha islamarkaana, baabuurka laga jaray ee mar labaad ku dhejiyana in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, lana ganaaxi doono, ,dadweynahana waxa uu faray in ay u hogaansamaan oo ay qaataan awaamiirtaas.
“Waxaanan bulshadda aan leeyahay waa inaad awaamirta u hogaansantaan, waxaanan arkayay gaadiidka baxsanaya oo diidan in laga gooyo,markaa baabuurkii carara sidaas lagaga hadhi maayo ee waa la soo qaban doonaa. Waxa kale oo iman doonta inaan hawshaas sidaas lagaga hadhi doonin ee la diIwaan-gelin doono, marka gaadhiga laga jaraa haddii uu ku soo xidho mar labaad in la ganaaxi doono waxaanan halkan  uga mahadnaqayaa niman odayaala  oo si weyn isu xilqaamay oo baabuurtooda ka jaray iyo muwaadiniin badan oo iyaguna baabuurtooda ka jaray intaan cidiba soo gaadhin,”ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.
By : Khadar M. Xaashi
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply