Saynis Yahan Dhimashadiisii Cilmi Baadhistu Sabab U Noqotay

0
357

Marie Skłodowska–Curie waxay u dhalatay dalka Poland Waxayna  ahayd saynis yahankii ay u suurta gashay inay soo saarto Cunsurka radium. Waxayna wakhtigeeda ku dhamaysatay cilmi baadhista ay ku samaynaysay shucaaca ka yimaadda Radioactive iwm.  Waxay ka samaysay daraasado badan sida looga faa’iidaysto shucaacaasi dhinaca caafimaadka. Laakiin nasiib daro shucaaca ay baadhaysay ayaa jidhkeeda asiibay waxaana ku dhacay xanuunka kansarka dhiigga, Kaasi oo ay u dhimatay sanadkii 1934. Waxaana xusid mudan inay ahayd qofka keliya ee laba jeer ku guulaystay abaal marinta Nobel Price oo laba majaal ah Chemistry iyo phiysigis.  Waxa kale oo ay noqotay gabadhii ugu horaysay ee macalimad ka noqota jaamacadda Parice.

Leave a Reply