Xildhibaanadii Ugu Tunka Weynaa Xisbigii UDUB Oo Ku Biiray KULMIYE

0
295

Hargeysa(Dawan)- Xildhibaanno ka tirsan aqalka Wakiiladda oo  hore uga tirsanaan jiray xisbigii burburay ee UDUB, ayaa shalay si rasmi ah daboolka uga qaaday inay ku biireen  xisbul-xaakimka KULMIYE.
Mudanayaasha KULMIYE ku soo biiray oo ka hadlayay munaasibad shalay KULMIYE u qabtay ayaa sheegay in ay muddo badan ka mid ahaayeen KULMIYE isla markaana imika ummadda reer Somaliland iyo taageerayaashoodaba u caddaynayaan in ay xubinnimadoodii golaha Wakiiladda iyo siyaasiyan-ba uga mid yihiin KULMIYE kuna  faraxsan yihiin in ay si buuxda ugu caddeeyaan mowqifkooda.
Xildhibaanadan oo kala ah. Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel,Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Wayso-cadde),Xildhibaan MaxamedJaamac Cilmi (Dable),Xildhibaan Cabdiraxmaan Muuse Jaamac, Xildhibaan Maxamed Baaruud iyo Xildhibaan Siciid Cali Cismaan. ayaa dhammaantood sheegay  in ay siyaasad ahaan hadday tahay ta Golaha Wakiiladda ee ay ka tirsan yihiin iyo haddii ay tahay ta guud ee qarankaba in ay KULMIYE yihiin kuna dhaqmayaan shuruucda iyo xeerarka Xisbiga KULMIYE.
Xildhibaan Axmed  Wayso-cadde oo ka hadlay munaasibadda ay ku caddaynayeen in ay si rasmi ah KULMIYE ugu biireen, ayaa yidhi. “Annaga oo raacayna shuruucda dalka u taalla haddii ay tahay ta golaha Wakiiladda iyo haddii ay yihiin kuwa Xisbiga u yaallaba waxaanu halkan ka caddaynaynaa aniga iyo saaxiibadayba in aanu ka mid nahay xisbiga KULMIYE, horena waaanu ugu biirnay xisbiga waanan ka mid ahayn illaa doorashooyinkii dawladaha hoose laakiin waxaanu maanta(shalay) halkan uga caddaynaynaa guud ahaan bulshada reer Somaliland in aanu nahay Mudanayaal KULMIYE ah oo kuraastoodii KULMIYE ula guuray.”
Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo isna hadal kooban  halkaa ka jeediyay ayaa sheegay in ay Xisbiga KULMIYE ahaayeen golaha Wakiiladdana ku fadhiyeen tan iyo markii uu saaxadda ka baxay xisbigii ay hore uga tirsanaan jireen ee UDUB isla markaana ay masuuliyiinta Xisbiga iyo Madaxweynahaba hore ugu caddeeyeen in ay ku biireen KULMIYE. “Sida shuruucda dalku dhigayso Xildhibaanku  waa in uu sadexda Xisbi mid ka mid ahaadaa,sidaa darteed annagu hore ayaanu KULMIYE ugu biirnay uguna caddaynay Madaxeynaha iyo masuuliyiinta Xisbigaba.  hawlo bandanna waanu ka soo qabanay xisbiga intaanu  ku soo biirnay laakiin imika waxaanu u caddaynaynaa guud ahaan bulshada reer Somaliland iyo taageerayaashayada iyo dadka aanu xildhibaanada u nahayba in aanu KULMIYE naf iyo dhiigba nahay oo aanu ku dhaqmayno siyaasadda Xisbiga KULMIYE.”
Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay oo xisbigana ku soo dhaweeyay munayaasha ku soo biiray Guddoomiyaha xidhiidhka Gobollada ee KULMIYE Shiine Idiris.  oo sheegay in ay xildhibaanadu muddo badan ka tirsanaayeen KULMIYE soona qabteen hawl badan intii ay xisbiga ku soo biireen  imikana ay bulshadda ku war-gelinayaan  in ay KULMIYE yihiin.  waxaanu intaa ku daray in ay soo dhawaynayaan in ay taageerayaashooda iyo ummadda Somaliland-ba u caddeeyaan in ay KULMIYE ka tirsan yihiin.
By: Faysal Xiis Weerar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply