Ciidammada Polland Oo Ilaalo Ahaan Loogu Diray Tareen Dahab Iyo Dheeman Ka Buuxaan Oo Hitler Lahaan Jiray

0
315

Ciidamada military-ga ee wadanka Poland ayaa loo diray inay ilaaliyaan tareen uu dahab iyo dheeman ka buuxaan oo ay lahaan jirtay dawladii Hitler ee dalkaasi Jarmalka ka talin jirtay,waxaana tareenkaas oo lasoo xaday laga helay magaalada Valbrzuc agteeda,meeshaas oo ku taala galbeedka wadanka Poland.
ciidamadan ayaa waxa wehelinaaya koox ka tirsan farsamo yaqaanada ciidamada dalkaasi oo ay ku jiraan Injineero ,kuwaas oo loogu talo galay inay amaan sugida tareenkaasi ka qayb qaataan,iyada oo agagaarka Tareenkaasi ay ka socoto qodaal dhanka macdanaha ahi.
Korneel Artur Talc oo ah ninka hogaaminaaya ciidamadaasi ayaa sheegay inay baadi goob u gelayaan sidii ay u heli lahaayeen waxyaalo kale oo dheeraada oo laga yaabo inay la socdeen tareenkaasi ,waxaanu inaasi ku daray inay baadhitaanada kale oo ay koox kale wado la bilaabay maalintii Isniintii oo ku beegnayd 28 kii September ,taas oo socotay ilaa 3 October .
ciidamada wadankaasi ayaa sidoo kalena baadhitaanadaasi dhinac kaga jira ,iyaga oo isicmaalaaya Raadaaro ,Kooxo macdan qodeyaala iyo khubaro kale,waxaanay sheegen inay jirto khasnado ay dawladaasi lahayd oo dalkaasi lala soo galay ,sidoo kalena aan sidaasi uga fogayn sida la aaminsan yahay tareenkaasi agagaarkiisa.
helitaanka tareenkan ayaa lagu dhawaaqay bishii hore ,iyada oo ay heleen laba nin oo u kala dhashay wadamada Poland iyo Germany laguna kala magcaabo Piotr Cooper iyo Andreas Richter,kuwaas oo ka helay meel tareenkaasi ku aasmay,waxaanu dhererkiisu gaadhayaa tareenkaasi 100 meter halka uu dhulka hoos u galay dherer dhan 9 meter.
khubaradan reer Poland ee ciidamadu ku jiran ayaa sheegay inay tareenkaas sidoo kale ka heleen hub badan ,lagana yaabo in laga helo waxyaalo macluumaad ah oo dheeri ah ,kuwaas oo taariikhi ah.


 

Leave a Reply