Sokhret: “ Guurso Hadii ay Kaa Xumaato Faylasuuf Ayaad Noqan Sidayda”

0
279

Faylasuufkii Sokhret qisaskiisu caanka ayaa qoray in xaaskiisu ahayd gabadh aad u xun.  Marka u ardaydiisa la joogo may ka joojin jirin cayda iyo qaylada. Maalin ayay u timi oo ku qaylisay ka dibna biyo ayay madax kaga daadisay. Sokhret ayaa si degan masar jeebadiisa kala soo baxay oo iskaga masaxay, ardaydiisa ayuu eegay oo ku yidhi odhaah caan noqotay “  Roobku wuxu da’aa Onkodka dabadii”  Oo uu uga jeedo qayladii iyo biyihii ay kay shubtay.
Sokhret ayay ardaydiisu weydiisay  Guurka wuxuuna  ku jawaabay : “ Guurso, haddii ay  noqoto gabadh wanaagsan waxaad noqon Nin faraxsan, haddii ay noqoto mid xun waxaad noqon Faylasuuf sidayda”.

Leave a Reply