Xaflad Lagu Daah-furay Maroodi-jeex International University Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
287

Hargeysa ( Dawan ):- Xaflad loogu wanqalayay furitaanka Jaamacada Maroodijeex International Univercity, oo ah jaamacad cusub oo ku soo biirtay jaamacadaha ka jira Hargeysa, ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.Waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxda Sadexda Xisbi Qaran,Xildhibaano,Salaadiin,Culimo awdiin iyo dadwayne aad u  tiro badan.
Guddoomiyaha Jamacadan Maroodijeex International University
Prof. Axmed Cabdi  Gaas, oo furitaankii  Jaamacadda ka  hadlayay ayaa yidhi.  “Sharaf bay ii tahay inaad igala soo qayb gashaan furitaanka jaamacadan oo aan filayo inay wax ka qabato dhaliilo faro badan oo aan shakhsi ahaan saddexdii sanno iyo badhkii aan, jaamacadaha Somaliland ka soo shaqaynayay aan ku soo arkay, sidaad idinku dhamMaantiinba ogtihiin oo aanay cidi idiin sheegayn waxaa aynu nahay dal aan la aqoonsanayn, waxaynu u baahan nahay in manhajka waxbarashadda dalkeenna wax laga qabto.”
,
Prof.  Axmed Cabdi  Gaas waxa kale oo  uu ka hadlay ka  jaamacad ahaan waxa ay awoodda saarayaan ee loo baahan yahay in ay ardayda ka dhisaan. “Waxaa uu dalkani goostay inuu la jaan-qaado adduunyada inteeda kale afka ay wax ku bartaan oo ah Ingiriisi, waxaa loo baahanyahay in aynu awoodeeda lahaano afka aynu wax ku baranayno, oo markaynu afar sano ka baxno wax qori karnaa oo aynu sheegi karnaa waxaynu doonayno,taasina dhibaato ayaa naga haysatay.waxa  wax u dhigi doona ardayda,  macalimiin shahaadooyin sare wata maadaama ay dalka ku yar yihiin macalimiinta waxbarashada sare aqoonta u lihi   islamarkaana ay barayaasha jaamacada ka keenaynaa  dalalka aynu jaarka nahay, waxaa jira dad kale oo innaga ah oo adduunyada jooga oo cilmi leh oo innooga  imanaya Nairobi iyo Ethopia oo nala shaqayn doona  oo PHD-yo sita”
Gudoomiyaha jamacada Maroodijeex isaga oo hadalkiisa si iwatay waxa uu intaa ku daray. “Jaamacadda hawl baa u taalla waana ILLAAHAY mahadii oo dad yar yar oo firfircoonina waa ay nala shaqaynayaan ,marka jidkan aynu raacnay  ee aynu maraynaa maaha mid hawl yar ,wadaduna waa ay adag tahay laakiin waxa innoo muuqata meel wanaagsan oo aynu gaadhayno ,waa la ogyahay wadadu waa ay dheer tahay waana aynu safri oo garbaha ayaynu isqabsan.  cidna  u ogolaan mayno inay dib innooga noqoto cidna ka hadhi mayno ee cid kasta waa aynu kaxaysan si aynu u gaadhno meesha aynu doonayno inaynu gaadhno iyo meesha aynu hiigsanayno.
Markaa jaamacadan  cusub ee Maroodijeex waxa ka go’an inay la shaqayso guud ahaan jaamacadaha dalka soona saarto arday ay tayadoodu wanaagsan tahay ,waxaana qorshaha noogu jira inaanu soo saaro kuuliyadaha beeraha xoolaha deegaanka iyo badaha.”
 
Cabdikariin Axmed Mooge oo xafladaas ka hadlay ayaa maamulka iyo masuuliyiinta Jaamacadda Maroodijeex kula dar daarmay in ay soo saaraan arday ka xor ah oo ka bad qabta aafada qabyaaladda “Waan soo dhaweynayaa jaamacadan maroodijeex haddii qof waliba uu ummada wacyigooda dhisi waayo oo uu ka hadli waayo oo horumarka ummada ugu baaqi waayo waxa ay noqonaysaa in Somaliland-tii  wanaagsanayd ee aynu doonaynay inaynu marka abuuri kari weyno, markaa jaamacadan maxaa ka khuseeya qabyaalad diidka oo ay jaamacadi soo saari kari waydo arday wanaagsan oo qabyaalada ka xora  dee jaamacad maaha,”ayuu yidhi Cabdikariim Axmed Moogge.
Sh. Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray ( Aadan Siiro ) oo isaguna munaasibadaas hadal ka  jeediyay ayaa  maamulka jaamacada kula dardaarmay haddii aanay wax cusub soo kordhinayn in aanay  si wadi Karin oo aanay wax macno ah samaynaynin, waxaanu yidhi   “Waxaanan leeyahay  haddii aydaan wax wanaagsan oo tayo leh  soo kordhisaan ama iska daysaan dadkani waa agoon, markaa in tayadda waxbarashadda aad ku dedaashaan ayaan idinkula tallinaynaa.”
 
waa dad soo jabay waxbarasho tayo leh inaydun iska daysaan   Jaamacad tayo leh oo inanka ka soo baxa digreega aanu beesha caalamka kula tartami Karin waxba hafurina ee iska daaya, waayo waxa weeyi ilma hooyadii bakhtiyayso oo tamaandho ay ku kurisay oo kuwa waxbarta islaamaha dariiqa fadhiista ay yihiin caruurtoodu inaynu sodon sanadood ka lumino oo aynu nidhaahno waxba mahayno aynu nidhaahno ayaa dhaanta ayay aniga ila tahay.Anigu ma tageersani jaamacadahan la badanaayo hadaan tayadooda la wanaajinayn waxaanan jecelahay shayga aynu soo kordhinayno inu noqdo shay  wanaagsan.”
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda  Somaliland Mudane Baashe Maxamad Faarax oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in jaamacaduhu badan yihiin,  laakiin ay duco innooga baahan yihiin waxaanu yidhi  “Aad iyo aad waxaan ugu  faraxsan nahay inaan ka soo qeyb galo furitaanka jaamacadan Marroodi-jeex, waxaana la innooga baahan yahay inaynu u ducayno oo aynu la shaqayno sida la ogyahayna Jaamacaduhu waa ay badan yihiin waxaana loo baahan yahay inay midoobaan iyagu oo ay sameeyaan boodhino si ay dhalinyaradu uga badbaado goobaha lagu qayilo iyo goobaha qabyaalada lagaga sheekaysto.”
 
Wasiirul dawlaha wasaarada Maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)   oo gababadii munaasibadaasi soo gabo-gabeeyay  ayaa sheegay in jiilka Cabdi-gaas ay yihiin kuwa mustqabalka bari ee  Jamhuuriyada Somaliland soo saari doona.  “Waanu hambalyaynaynaa Axmed Cabdi Gaas, waxaan ku kalsoonahay oo aanu aaminsanahay khibradeediina uu leeyahay Axmed Cabdi Gaas inaanu Hargeysa iyo meel kaleba Khibradii uu Hargeysa kala kulmay inay wax weyn u tartay, waananu ku kalsoon nahay tiimka uu hogaaminayo Axmed in ay soo saari doonaan mustaqbal beritoole ee Jamhuuriyada Somaliland soo saari doona , waananu  Soo dhaweynaynaa,waanad ku gaaleysanaysaan adiga iyo inta kula shaqaynaysaaba.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply