Ciraaq oo 60 Qof lagu Dilay Qaraxyo

0
289

Gawaadhi ku qaraxday Ciraaq ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 60 qof.
Gobolka xagga bari ee Diyala ayaa qarax lagu bar-tilmaameedsaday waddo ganacsi oo saxmad badan waxaa ku dhintay 40 qof, ayada oo 50-nna ay ku dhaawacmeen.
Weerar kale ayaa isna ka dhacay magaalo u dhow Basra, oo inta badan aysan ka dhicin rabshadaha ka jira qaybaha kale ee waddanka.
Sarkaal halkaa jooga ayaa sheegay in bam uu ku qarxay waddo ku taalla Al-Zubair, ayna ku dhinteen 10 qof.
Kooxda dawladda islaamiga ayaa sheegtay in ay weerarka qaadday.
Magaalada Baqdaadna, Boolisku waxay sheegayaan in gaadhi waxyaabaha qarxa waday uu 13 qof ku dilay xaafadda Xuseeyniya.
 
 
 

Leave a Reply