Xadgudubka Hawada Turkiga

0
309

Nato ayaa sheegtay in xadgudubkii ay ku sameeyeen hawada Turkiga diyaaradaha Ruushka ee dagaalka inaysan u ekayn mid aan loogu tala galin.
Xoghayaha guud ee Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Moscow aysan bixin faahfaahin ku saabsan arrintan, wuxuuna ugu baaqay inay joojiso kordhinta xiisada.
Ruushka ayaa isagoo ka jawaabaya ku eedeeyay Nato, inay arrinta u isticmaalayso inay ku daboosho ujeedada runta ah ee ay ka leedahay Suuriya.
Ruushka ayaa sheegay in weerarkeedii ugu danbeeyay ay ku beegsatay kooxda IS ee magaalada Palmyra, halkaas oo baabuur iyo hub ku kaydsanaa lagu burburiyay.
 
 

Leave a Reply