Ra'iisalwasaaraha Yemen oo ka Badbaaday Gantaal

0
301

Masuuliyiinta Yemen ayaa sheegay in Ra’iisalwasaare Khaled Bahah uu badbaaday isagoon waxba gaadhin, kadib markii weerar lagu qaaday Hotel Qasr oo ay dowladda ka deganayd magaalada Cadan.
Dhowr qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weerarka, oo lagu eedeeyay inay ka danbeeyaan Shiicada Xuutiga.
Haseyeeshee kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen oo ay dad is qarxiyay ka masuul ahaayeen.
Huteelka uu deggenaa ra’iisulwasaaraha iyo laba xero ciidan ayaa waxa ku dhintay 15 ka mid ah isbaheysiga Sucuudigu hoggaamiyo iyo ciidan taageersan dawlada, sidaasna waxa sheegtay warbaahinta dawladda Emirate.
 
 
Gantaal kale ayaa ku dhacay xero ay degenaayeen ciidamo ka yimid Isutaga Imaaraadka Carabta, oo kamid ah waddamada caawinaya dowladda Yemen.
 

Leave a Reply