Ololeeya xuquuqda aadanaha ah oo u dhashay Imiraatka carabta ayaa ku guuleystay abaalmarinta Martin Ennals Award ย ee la siiyo difaacayaasha xuquuqda binuโaadamka.
Gudida garsoor ayaa ku ammaaney ninkaasi oo la yidhaa ย Ahmed Mansoor sida joogtada aheyd ee uu kor ugu qaadayay walaaca laga qabo dhaqanada dadka oo la iska xidho, ciqaabtaย iyo xadhiga aan maxkamada laheyn ee dawladaasi Khaliijka ka tirsan.
Arrintaasi ayay ay sheegeen inuu kala kulmay cagajugleyn iyo handadaad kaga imaneysay dawladda iyo taageerayaasheeda.
Mr Mansoor ayaan awoodi Karin inuu abaalmarinta u doonto Jineefa isaga oo ay saarantey xayiraad xagga socdaalka ah.
Abaalmarinta โThe Martin Ennals Awardโ ayaa loogu magacdarey kadib looyarkii Ingiriis eeย isagu noqdey madaxii ugu horeeyay ee heyada ย Amnesty International.




















