“Ciidanka Boolisku Markii Ay Sugeen Halka Ay Joogeen, Waxay Qabteen Shan Nin Oo ka Mid Ah Kooxdii Wabar Ee Weerarka Geystay, Qori M-16 Ah Iyo Rasaastiisii”

0
321

Hargeysa(Dawan )- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shalay galab  gacanta ku dhigay shan nin oo dabley ah oo ka mid ahayd kooxdii Suldaanka Fallaagoobay ee Wabar ee habeen hore  weerarka labada askari ku dhinteen, labada kalena ku dhaawacmeen ku qaaday Gurriga badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo xalay  shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa ka warramay hawl-galkan, waxaanu yidhi  “Xalay  (Habeen hore) abaarro 3:15 daqiiqo waxa koox hubaysan,  oo ah kooxdii Wabar ay soo weerareen guriga Guddoomiyaha gobolka Awdal, halkaasna waxa ay ku dileen laba askari oo ka kala tirsanaa ciidammada qalabka sida, laba kalena way ku dhaawacmeen. Waxa  aan tacsiyadeynayaa  ciidammada booliiska iyo qaranka.  gacan ka xaq darran ayaa dishay labadaas MarxuumILAAHAY waxaan uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodiina samir iyo iimaan ka siiyo.  intaa ka dib markii hawl-galkaasi dhacay ciidanka boolisku  waxa uu galay hawl-gal balaadhan, iyadoo aanu dirnay ciidan xoojin ah, waxa aanu helnay xog dhab ah raggii xalay (habeen hore)  soo weeraray ee askarta laayaay goob ay ku sugan yihiin. ciidanka Boolisku iyagoo fulinaya sharciga iyo  ilaalinta nabad-gelyadda ay dalka uga masuulka yihiin, waxay kooxdaasi ugu tagteen goobtii ay ragaasi ku sugnaayeen waxaa kooxdaas iyo  ciidanka booliska dhex maray dagaal. dagaalkaasi ka dib waxay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen. shan xubnood oo mid ka mid ahi dhaawac yahay, laguna qabtay qori M16 ah iyo 26 xabo oo rasaas ah,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.
Taliyaha Ciidanka  Boolisku waxa uu ammaan u soo jeediyay saraakiishii iyo ciidankii hawl-galkan ku guulaystay, waxaanu yidhi “Isagoo ninkaasi dagaalamaya ayaa gacanta lagu dhigay, waxaanu qiraal ku bixiyay inuu ka mid yahay raggii weerarka geystay. ILAAHAY ayaa mahad leh, Arrintani waa guul ciidanka iyo  Booliska Somaliland  u soo hoyatay, waxaanan ammaan u soo jeedinayaa ciidankii hawl-galkan fuliyay gaar ahaan  saraakiisha, saraakiil ku xigeennada, alifleyda iyo dableyda ayaad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa waxaanan leeyahay waa naftood hureyaal iyo dal-jireyaal.”
Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa kale oo uu sheegay in isla falkan ay Boolisku u soo xidheen shalay  26 qof, kuwaasi oo baadhis lagu wado lagu kala saari doono, waxaanu xusay in ay ku eedaysan yihiin inay falkan ku lug lahaayeen oo ay wax ka abaabulayeen.
Geesta kalena, Guddoomiyaha gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax)  oo aanu xalay wax ka weydiinay hawl galka ciidammadda Somaliland ay kaga hawl galeen kooxdii habeen hore weerarka ku soo qaaday gurigiisa iyo inta kooxdaa laga soo qabtay, ayaa yidhi. “Ciidanku markii weerarku dhacay ee dablayda hubaysani gurigayga soo weerartayba  way ka hawl galeen illaa maantana (shalay) way ku dabo jireen waxaanay dagaal ay buuralayda ku taalla Xuduudka ay Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan ku dhex maray kaga soo qabteen kooxdaa dablayda ahayd shan qof  oo midi dhaawac  yahay, intii kalena waa lagu dabo jiraa hawl-galkuna muu dhamaan.”
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay intay tiradoodu ahayd dablayda soo weerartay gurigiisa,iyo guud ahaan tirada falkaa loo qabtay, ayaa ku jawaabay. “Horta kooxda weerarka soo qaaday inta guriga soo weerartay waxay ahaayeen 11 dabley ah, laakiin qeyb kale oo ka mid ah,ayaa jirtay oo weerarka ka dib ay wada baxsadeen oo ah kuwa ciidanku ka dabo tegay.  Waxaa kale oo jira dad   kale oo dhacdadaa  qaranka lagu soo duulay ee weerarka ah loo qabtay oo ay baadhisi ku socoto.”
Mr. Ramaax waxaa uu tacsi u diray qoyska wiil dhalinyaro ah oo shalay ku geeriyooday meel u dhow garoonka kubadda cagta Boorame oo shalay markii ciyaartu dhammaatay ay ku dhacday xabad ka qaraxday askari ka tirsan ciidanka ammaanka.
Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply