Dadka Waaweyn Oo Caalamka Ka Noqday 700 Million Oo Qof,Iyadoo Maalin Loo Asteeyey

0
287

Caalamka ayaa meelo badan oo ka mid ah laga xusay maalinta dadka waaweyn oo loo asteeyey in sannad walba la xuso 1 bisha October. shirweynihii Qaramada midoobay ee sannadkii 1991 kii ayaa lagu asteeyey maalintan ,iyada oo la go’aamiyey in sannad walba la xuso, laakiin taasi may noqon mid hirgashay, waxaana haddana dib loo soo cusboonaysiiyay sannadkan.
Daraasad dhowaan ay soo bandhigtay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa ayaa lagu sheegay in dadka caalamka 700 million oo qof yihiin kuwo ka sareeya da’ahaan 60 sanno, waxaanay intaasi ku dareen in sannadka 2050 ga ay dadkaasi tiradoodu gaadhi doonto ilaa 2 Billion oo qof,kuwaas oo noqon doona 20% dadka caalamka ku nool.
wadamada hore u maray ayaa la sheegay in dadka ku nooli u badan yihiin dad waaweyn, taas oo keeni karta siday khubaradaasi sheegeen kuwo hoos u dhiga horumarkooda, waxaanay sidoo kale sheegeen in dhalinyaradu aad u badan tahay wadamada soo koraaya ee qaaradaha Aasiya iyo Afrika, kuwaas oo haddii ay nabad helaan ay sheegeen inay horumar gaadhi karaan.
shirkii dadka waaweyn ee ugu horeeyey ayaa magaalada Viena ka dhacay sannadkii 1982 kii, kaas oo lagaga hadlay dhibaatooyinka dadkaasi haysta, sidoo kalena waxa lagu qorsheeyey sidii loo aqoonsan lahaa maalin dadkaasi loogu talo galay oo la sameeyo,iyada oo taas la horgeeyey Golaha Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa  14 December ee sannadkii 1990 kii, waxaanu sannadkii 1991 aqoonsaday in maalintaasi noqoto 1 bisha October.
sannadkii 2002 ayaa shirkii labaad ee dadka waaweyn lagu qabtay magaalada Madrid ee wadanka Spain,iyada oo laysla qaatay in laga hortago dhibaatooyinka dadkaasi waaweyn haysta , sidoo kalena dib loo soo celinyo maalintii loo asteeyey.
Maxaad Ka Taqaan

Leave a Reply