Maxaad Ka Taqaanaa 10 Hablood Ee Afrika Ugu Quruxda Badan?

0
860

Qeybtii labaad
6:Sabrina Aman:gabadhani waxay u dhalatay wadanka Eritrea ,waana gabadh caan ku ah dhinaca metelaada film-da ,iyada oo ku dhalatay wadankaasi Maraykanka,gaar ahaana Virginia ,waana gabadh haysata dhalasho Maraykan ah.
7:Atong Demach:gabadhan ayaa u dhalatay wadanka Koonfurta Sudan,waxaanay ku dhalatay gobolka Jonglei ee dalkaasi,iyada oo kusoo kortay gobolka Upper Nile,Malakal,waxaanay markii dambe u guureen reerkoodu magaalada Caasimada ah ee Khartoum,iyada oo halkaasi wax ku baratay.
aabeheed waxa uu ahaa macalin wax ka dhiga jaamacadda Juba ,isaga oo dhigi jiray luqadaha Ingiriisida iyo Carabida,waxaanay gabadhani sannadkii 2009 kii ka qayb qaadatay tartankii quruxda ee wadankaasi ,kaas oo ay ku guulaysatay,waxa kale oo ay tartano sidaas oo kale ah ka qayb gashay sannadihii 2010,2011 iyo sannadkii 2012 kii.
8:Nadia Zighem:gabadhani waxay u dhalatay dalka Algeria,waxaanay ku dhalatay Tours oo ku taala wadanka Faransiiska,iyada oo markii dambena usoo wareegtay magaalada Mostaganem ,taas oo ku taala gobolka Waqooyi ee dalkaasi Algeria,waqtigana waa gabadh hesaaya oo reer Faransiis ah,waxaanay kaalinta sideedaad  ka gashay quruxda hablaha Afrika.
9:Joelle Kayembe:gabadhan ayaa u dhalatay wadanka Congo,waxaanay kaalinta sagaalaad ka gashay tartanta quruxda Afrika.
gabadhani waxay ku dhalatay magaalada Lubumbashi ,iyada oo da’ahaan jirtay 11 sanno ayaa reerkoodu u guuray wadanka Koonfur Afrika,kadib markii dagaalo ka dhaceen dalkaasi Congo,waxaanay qaadatay dhalashada wadana Koonfur Afrika.
10:Adaora Akubilo:gabadhan ayaa u dhalatay wadanka Nigeria,waxaanay ku dhalatay Windsor,Connecticut oo ku taala wadanka Maraykanka,kadib markii ay halkaasi u guureen reerkoodu,halkaas ayaanay waxbarashadeedii ku qaadatay,iyada oo ka gashay hablaha dharka xayeysiiya.
gabadhan ayaa kaalinta tobnaad ka gashay hablaha ugu quruxda badan qaaradan Afrika ee lagu soo saaray liiska kala saraynta hablaha ,taas oo kusoo baxday wargeyska Daily Mirror oo uu kasoo turjumay wargeyska Dawan. Dhammaad.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply