Kaadhkiisii Shaqada Ayaa Caawiyay!

0
341

Wiil dhalinyaro ah ayaa ku noolaa dhismaha shirkada shaqada ka eriday muddo laba bilood ah. Wiilkan oo lagu magacaabo Erick Seimon ayaa muddo dheer u shaqaynayay shirkada, waxaana uu haystay  Bidaaqada lagu galo albaabka hore , isla markaana lagu xidho marka laga baxo. Wiilkan oo markii laga dhimay shaqada aad u naxay ayaa isla markiiba ogaaday in bidaaqadiisa shaqadu ay tahay mid weli shaqaynaysa.
Waxaana u isticmaalay inuu ku galo dhismaha isla markaana kaga baxo iyadoon qofna dareemayan. Dhismaha xarunta shirkada ayaa lahaa goob cuntada laga cuno iyo goobo raaxo oo la seexdo, taasi oo hadba shaqaalaha nasashada u baahan ay fadhiisan jireen ama seexan jireen. Waxaana uu sidaasi ugu noolaa dhismahan mudo laba bilood ah.

Leave a Reply