Marwadda Koowaad Oo Ha’yadda Ugu Weyn Ireland Ka Dalbatay Inay Mashaariicdooda Gaadhsiiyaan  Barriga Somaliland

0
314

 
Ireland (DAWAN):- Marwada koowaad ee  Somaliland Marwo  Aamina Sh.  Maxamed Jirde, oo ka mid ah Weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Ireland, ayaa  ku dhiiri gelisay hay’adda dhinaca  samo-falka iyo caawimooyinka ugu weyn dalkaas in ay gaadhsiiyaan gargaarkooda gobolada Bariga Somaliland.  ka dib markii ay xarunta hay’addaas kulan kula yeelatay madaxda ugu sarraysa ha’yadaas.
 
Marwadda Koowaad ,oo kulan heerkiisu sarreeyo ay ku qaabileen  Madaxda ugu saraysa hay’adda Mucaawinooyinka  gaadhsiisa dalalka Afrika, ee la yidhaahdo  Concern World-wide Charity, ayaa ka dalbatay in ay kor u qaadaan caawimooyinka ay imika siiyaan gobollada galbeedka Somaliland ee ay ku sugan yihiin isla markaana ay sidoo kale gaadhaan gobollada Bariga Somaliland oo waxyaabo badan u baahan in laga taageero oo gacan looga geysto.
Guddoomiyaha hay’adaas, Dominic MacSorely iyo saraakiisha sar-sare ee Concern World-wide, ayaa Marwada u sheegay in laamaha ururkooda ee Afrika ay ka shaqeeyaan qeybo ka mid ah Gobolada Galbeed ee  dalka  Somaliland, gaar ahaan Gobolka Gabilay, waxaanay marwada  ka aqbaleen soo jeedinteeda ah in ay gobollada barigana gaadhsiiyaan  mashaariicda samo-falka ee ay wadanka ka wadaan.World-wide ayaa ah hay’adda samo-fal ee ugu weyn dalka Ireland, waxaanay wax ka qabataa oo ay ka shaqaysaa Waxbarashada, Beeraha iyo dhaamamka biyo xidheennada.
Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina  Waris Sh. Maxamed Jirde,  waxaa kulankaa ku wehelinaayay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) La-taliyaha Madaxweynaha ee hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga Cabdifataax Siciid Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Saxaafadda Khadar Xasan Cali Gaas.
Dawannews Hargesa office

Leave a Reply