Khubarro Turkey, Swedish Iyo Maraykan Ah Oo Ku Guulaystay Jaa'isadda Noble Prize Ka Kimisteriga

0
285

Saddex Saynisyahan oo u dhashay wadamada Turkey-ga ,Sweden iyo Maraykanka ayaa ku guulaystay Nobel Prize ka kimistariyga,kadib markii ay ku guulaysteen daraasad ay ku daahfureen qaabab cusub oo lagu wada xidhiidhin karo unuga iyo DNA-da.
saddexdan saynisyahan oo lagu magcaabo Aziz Sankar,Lindahl Thomas iyo Paul Modric ayaa saddexduba yihiin kuwo muddo dheer kasoo shaqaynaayey cilmiba Kimistariyga,iyaga oo hore usoo bandhigay waxyaalo cusub oo ay kusoo kordhiyeen cilmigaasi.
waxyaalaha ugu waaweyn ee lagu qadariyey khubaradan ayaa ah sidii ay daraasadooda ugu soo saareen xidhiidhka ka dhexeeya isku xidhka lagu samayn karo Unuga bani’aadmiga iyo sidoo kalena hindesidaha DNA-ga loo yaqaano oo ah ka keena in qofka lasoo saari karo ama la garan karo.
jaa’isadan oo laga bixiyo wadanka Sweden ayaa sannadkan la kordhiyey iyada oo khubaradan la siiyey lacag dhan 631 kun oo lacagta Pounds Sterling-ka loo yaqaano ah,taas oo u dhiganta sideed milyan oo lacagta Sweden ah.
madaxa Akaademiga Sayniska ee boqortooyada Sweden (Swedish Royal Academy of Sciences) Goran Hansson ayaa halkaasi ka hadlay intii aan la yeedhin cida ku guulaysatay jaa’isadan sannadkan,waaanu sheegay in sannadkan tixgelinta ugu badan la siiyey mashruuca lagu daryeelaayo dadka dhinaca maskaxda wax ka qaba ee baahiyaha Gaara ah qaba.
sannadkii hore ayaa jaa’isadan la siiyey saddex nin oo mid u dhashay wadanka Jarmalka laguna magcaabo Stefan Hell iyo Eric Betzing iyo William Moerner oo iyaguna u dhashay wadanka Maraykanka,kuwaas oo daraasad ka sameeyey microscpe ka maanta la isticmaalo iyo kii hore loo isticmaali jiray iyo siday u kala awood badan yihiin.
waxa iyaguna hore ugu guulaystay afar dumara ,kuwaas oo qaar kamid ahi ay kala ahaayeen Marie Curie oo sidoo kalena ku guulaysatay jaa’isada Fisigiska  iyo Ada Yonath,kuwaas oo sannadkii 2009 kii ku guulaystay jaa’isadan laguna xusuusto.

Leave a Reply