Ruushka oo Gantaalo kala soo Beegsadey Suuriya 1500KM

0
299

Ruushka ayaa sheegay in maraakiibtiisa dagaalka ee badda Kaspiyanka ay ku rideen labaatan iyo lix gantaal kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee Suuriya, iyagoo ka soo ridaya meel u jirta kun iyo shan oo  kilometer.
Kulan telefishinka laga sii daayay, oo uu madaxweyne Putin la yeeshay ayuu Wasiirka Difaaca ku shaeegay in la baabi’iyay kow iyo toban meel oo ay beegsaden, iyo inaysan jirin khasaaro rayad.
Ma jirto xaqiijin madaxbanaan. Reer galbeedka ayaa horay ugu dhaleeceeyay Ruushka inuu taageerayo madaxweyne Assad, halkii uu daciifin lahaa mintidiinta Islaamiga.
Masuuliyiinta Suuriya ayaa sheegay in dowladda oo uu taageerayo diyaaradaha Ruushka ay bilawday weerarka mucaaradka.
 
 
 

Leave a Reply