Burundi ayaa dalkeeda ka eridey dublomaasi reer Ruwaanda ah oo ay ku eedeysay inuu qalalaase ka wadey dalkeeda.
Saraakiisha Burundi ayaa sheegay inuu diblomaasigaย Mr Desire Nyaruhiriraย uu u ahaa la taliye sareย muddo badan safaarada ย Ruwanda ah.
Mustaafurinta dublomaasiga ayaa timi iyada oo uu sii xumaanayay xidhiidhka u dhexeeya labadan dal ee jaarka ah Bariga Afrika.
Toddobaadkii hore ayaa ย Burundi ku eedaysay ย Ruwanda in ay tababarto fallaago doonaysa in ay amnidarro ka sameeyaan dalkeeda, taasi oo ay iyana dafirtey.
Ruwanda kama hadal eryida ergayga.
.




















