Ceerigaabo (Dawan): Agaasimaha guud ee cisbitaalka magaaladda Ceerigaano Siciid Xasan Wagad, ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay laba shil oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka kala dhacay duleedka magaaladda magaaladda.Waxaanu sheegay agaasimuhu in shilalkaasi kala danbeeyay ay ku dhinteen Afar qof, halka saddex iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen. Isagoo xusay in dadka dhaawaca ah lagu daaweynayo cusbitaalka guud ee magaaladda Ceerigaabo, isla markaana ay dhakhaatiirtu heegan buuxa ugu jiraan sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhaawaca ah.Labadaasi shil baabuur oo ka kala dhacay deegaanka Goobguule oo ku yaalla buurta Surad iyo midka kale oo ka dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha magaaladda Ceerigaabo, kuwaasi oo sababay khasaare badan.
Siciid Xasan Wagad, oo ka hadlayay wakhtiga ay shilalkaasi dhaceen iyo xaaladda dadka dhaawaca ah, waxa uu yidhi “Ilaa xalay (habeen hore) heegan baa lagu jiray oo hawshu waay is-daba socotay, waxaana dhacay laba gaadhi oo kala danbeeyay, kii danbe waxa uu dhacay xalay (habeen hore) abaaro 4:30 habeenimo, shaqaalaha cisbitaalkuna waxay heegan ugu jiraan sidii ay u daaweyn lahaayeen dadka ku dhaawacmay. imikana waad aragtaa oo waxa cisbitaalka soo buux dhaafiyay eheladii dadkan dhaawaca ah, xaaladooda caafimaad-na waay wanaagsan tahay.”
Dhinaca kale waxa isna arrinta shilalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay ka warbixiyay Dr. Naasir Cabdiraxmaan Maxamad, oo ka mid ah dhakhtaatiirta ka hawlgala cisbitaalka magaaladda Ceerigaabo, waxaanu sheegay in laba ka mid ah dadka dhaawacmay in xaaladoodu ay halis tahay. “Imika waxa culus laba qof, waxaananu u diyaarinaynaa sidii si dhakhso ah loogu daweyn lahaa, dhaawacyadan oo leh jajab iyo dhiig bax ba, hawshooda waanu galaynaa. Guud ahaan 24-kii saacadood ee laga soo gudbay waxa dhacay shilal gaadhi. Shilkii hore waxa ku dhintay hal qof, dhaawucuna waxa uu ahaa sagaal qof, hal qof marka laga reebo dadka inta kale aad iyo aad ayay u ladan yihiin, waxa haddana maanta (Shalay) dhacay shil kale, kaas oo ka khasaare badan kii hore, inta la ogyahayna dhimashadu waa saddex ruux iyo dad dhaawaca ah”ayuu yidhi Dr. Naasir Cabdiraxmaan Maxamad.
Dawannews Hargeysa office