Guulaha Siyaasadda Arrimaha Dibada Ee Somaliland

0
515

Waxay ahayd 27kii Bishii July ee Sanadkii 2013 markii uu Madaarka Caasimada Hargeysa ee Cigaal International Airport ay soo cago-dhigatay Diyaar gaar ah oo siday Mudane Maxamed Biixi yoonis oo uu maalmahaasi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Waxaan maalintaas ka mid ahaa Kumanaan Qof oo Madaarka Caasimada iska soo buuxiyay si ay usoo dhaweeyaan Wasiir Maxamed Biixi, waxaana dadkaasi ay isugu jireen Mucaarid iyo Muxaafid, masuuliyiin xukuumada ka tirsan iyo kumanaan dadweyne ah, dadka soo dhawayntaas ka qayb galay ee ay indhahaygu ay qabanayeen waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,
Run ahaan may jirin wax aqoon ah oo aan Shakhsiyan u lahaa Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxaanan aad isu weydiinayay sababta ay Kumanaankan dadweynaha ahi dariiqyada ugu soo baxeen soo dhawayntiisa, waxaa dad badan aad wajiyadooda ka dheehanaysay farxada iyo Xiisaha ay u qabeen in xilkan culus ee wasaarada Arrimaha Debada uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Masuul Aqoon iyo Khibrrad aad u balaadhan leh oo ka soo shaqeeyay Dunida iyo Dalal kala duwan oo Konton waddan kor u dhaafaya oo ku kala yaal dacalada aduunka, waxaanay aad ugu kalsoonaayeen oo ay u arkayeen inuu yahay Halyeey Aqoonsi u keeni doona Dalkeena.
Waxaa guud ahaan Ummada reer Somaliland markiiba gashay yididiilo iyo rejo iftiimaysa oo ay ka muujiyeen dardar hor leh oo uu Wasiirku muddo yar oo kooban ku dhaqaajiyay Siyaasadii Arrimaha Debada ee Somaliland isaga oo Albaabo cusub oo hor leh garaacay, saaxiibo Cusub oo ina garab istaagana u Sameeyay Qarankeena, iyada oo si weyn gudo iyo debedba looga dareemay Heerka Muuqda ee ay gaadhay Siyaasadeena Arrimaha Debadu, waxaana markiiba bilaabay in diplomaasiyiin tiro badan, Safiirro iyo Wasiirro tiro badan oo dacalada dunida ka kala yimi ay dalkeena kusoo qulqulaan, waxaana debada loogu baxay Saffarro tiro badan oo Qaranka muhiim u ahaa.
Maadaama Higsiga iyo Himilada Aqoonsiga iyo Gaadhitaanka Yoolkeena ee ah in Qarankeenu uu Aqoonsi buuxa helo, isla markaasna ay Wasaarada Arrimaha Debadu ay tahay ta Qaranka ay u Xil saaran ka midho-dhalinta hawshaas, ayaa waxaan maalmaha iyo todobaadyada soo socda aynu qodob-qodob isu dul taagi doobnaa halka ay maanta marayso Siyaasadeena Arrimaha Dibadu iyo Kaalinta Muuqata ee Taariikhda Geli doonta ee kusoo kordhiyay Wasiirkeena Arrimaha Debada Mudane Maxamed Biixi Yoonis.
Waad Mahadsan tihiin
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here