“Qorshaha Kuma Jirto In Wakaaladda Biyaha Berbera Cid Gaar Ah Lagu Wareejiyo” Wasiirka Biyaha

0
281

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda biyaha ee Somaliland Baashe Cali Jaamac,  ayaa beeniyay in dad gaar ah lagu wareejinayo  Wakaaladda biyaha  magaaladda Berbera.
Waxaanu  timaamay in qorshaha wasaaradda biyaha aanu ku jirin in Wakaaladda biyaha  Berbera ganacsato loo gacan galiyo, isagoo   u soo jeediyay dadweynaha reer Berbera in aanay dhag u dhigin wararkaa been abuurka ah ee lagu kicinayo bulshadda.
 
Wasiir Baashe,  oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiska ayaa ku tilmaamay wararkaasi kuwo siyaasadaysan, isla markaana la doonayo in lagu khal-khal geliyo bulshadda.
isagoo  arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Waxaa  ayaamahan maqlay  warar ku tiri-ku-teen ah,  oo sheegayay in wakaaladda biyaha ee Berbera  ganacsato lagu wareejinayo.  Arrintaasi   waa war aan wax ba ka jirin,  in sidaa  loo ogaado weeyi.  private lagama dhigayo qorshaha wasaarada biyahana kuma jirto.   Markaa  in waxaan  dadka u sheegayaa inay  sidaa  u ogaadaan dadka reer Berbera.  waa dacaayaddo   looga jeedo siyaasad iyo khal-khalgalin ah.  Markaa  halaga foojignaado waxba kama jiraan”.
 
Waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicda dhinaca horumarka ee la doonayo in laga hiregliyo magaaladda Berbera, waxaanu sheegay wasiirku   in mashaariicda biyaha ee magaaladda Berbera ay ku baxayso lacag dhan 7-milyan oo doolar.   “Mashaariicda biyaha ee ka socda dalka ee uu maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF,   mashaariicdaa biyaha lacagta ku baxaysaa 7 bilyan oo dolar.  Berbera,  waxaa  laga  samaynayaa qorshihii mustaqbalka biyo ku heli lahayd,  bishan  gudaheeda ayaa hawsheedii  la bilaabay waxa  la baaldhinayaa biyuhu Dubaar,  oo waxaa  la samaynayaa ceelasha biyuhu ka soo baxaan,  hawshaasuna way socotaa”ayuu yidhi wasiirka biyaha.
Khadar M. Dhako
Dawannnews Hargeysa office

Leave a Reply