Saddex Arrimood Oo Mucaaridku Ku Fashilmeen

0
382

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay siyaasaddiisu ku dhisantahay ama jaangooya, nidaamka xisbiyada badan.  Waxa wadanka ka jira saddex xisbi qaran oo metela aragtida shacabka. Waxaa  ku baxa dhaqaale shacabka laga keeno iyo  mid dawladda lafteedu baxiso,  oo miisaniyadda qaranka loogu daro. Waxa kale oo uu dhaqaale  iyo waqti badan-ba ku baxaan, doorashooyinka lagu soo doorto xisbiyada qaranka, goleyaasha degaanka, goleyaasha baarlamaanka iyo waliba doorashadda madaxweynaha.
 
Doorashooyinkaas oo dhan,  waxay dhex maraan ama ku tartama, oo awoodooda ku muujiya, saddexda xisbi qaran. Xildhibaannada goleyaasha loo soo doorto iyo madaxweynaha qaranka loo doortaba dhaamaantood waxay ku abtirsadadaan xisbi qaran. Xisbiyada qaranku, waa in ay noqdaan, adeegayaaal bulshada u shaqeeya. Maadaama oo xisbiyada qaranka, dhaqaale badan, waqti badan, iyo taageero badanba bulshadu ku baxiso, Waa in ay u shaqeeyaan, bulshada, dhaqaalaha iyo taageerada tirada badan ay ka helaan. Waa in aaney, u adeegsan xisbiyadani qaranka, iska dan kooxeed ama dan shakhsiyeed. Hadalkooda iyo ficilkooduba waa in ay ku qotomaan, wax macquul ah oo bulshada oo dhan dan ugu jirto. Dhaqaalaha, waqtiga iyo taageerada bulshaduba ku baxiso xisbiyada qaranku, waa in aaney noqon hal bacaad lagu lisay.
 
Xisbiyada qaranka, bulshadu waxa ay u igmatay ama ay u dirsatey shaqooyin badan.  Xisbiga wadanka xukuma waa xisbiga loo doortey ama loo dirsadey masuuliyadda qaranka Somaliland oo dhan. Waxa loo dirty maamulka, horumarinta, iyo waxii shaqo dowlad laheyd oo dhan.
 
Halka xisbiyada mucaaradka laga doonayo,  in ay daba gal ku sameeyaan waxyaabaha  gaabisyadu ka muuqdaan ama aan si fiican wax looga qaban. Xisbiyada mucaaradka ah waxa laga rabaa in ay yeeshaan laamo  cilmi baadhiseed oo si cilmeysan iyo nidaam aqooneed uga warhaya gaabisyada xukuumadda ka muuqda.
 
 
Laantaasi waa in ay si aqoon ku dhisantahay u soo bandhigi karaan gaabisyada uu sameeyo xisbiga wadanka xakuma.  Waa  in ay xukuumadda iyo bulshadaba u sheegi karaan, sida ugu haboon ee loo saxi karo dhaliilaha ay soo bandhigeen.
 
Xisbiga wadanka xakuma iyo xisbiyada mucaaradkaba, waxa loo doortey in ay wada ilaaliyaan qaranka, oo midna wax qabto, kuwa kalena ay tusaan waxa uu ka tagey ama uu hilmaamey, si loo helo, wax isku dheelli tiran. Waxa kale oo xisbiyada laga rabaa in xisbi waliba yeesho aragti siyaaasadeed oo qoran.
 
 
In uu aragtidaasi ka sameeyo qorshe ballaadhan oo bulshadada la hor keeno, si bulashadu u soo doorato xisbiga ugu aragti iyo qorshe wanaagsan ee wadanka xukunkiisa u qalma. Arrimahaasu, waa qaar ka mid ah shaqooyinka / ahdaafta guud ee loo sameystey  xisbiyada qaranka.
Isku-soo wada duub oo xisbiyadu qaranku, waxa ay bulshada ugu jiraan kaalin muhiim ah. Mana aha in nin walba sida uu  rabo u adeegsado ama dantiisa gaarka ah ku fushado. Xisbiyada qaranku, waa ay ka ballaadhanyihiin in dan shakhsi iyo mid kooxeed lagu qabsado.
 
Waxaa  loogu talo galey in  danta iyo aragtida bulshada oo dhan ka dhex muuqato. Sidaas awgeed, xisbi kasta,  waa in lagala xisaabtamo in uu buuxiyey kaalintiisa xisbi nimo. La soco qaybta 2aad
 
Maxamuud Daahir Cismaan
Baadigoob@hotmail.com
063 4085537

Leave a Reply