Dhakhtarka ‘Waxay Ahayd Arrin Naga Yaabisay!’

0
424

Sida lagu daabacay wargeyska Newtork Daily News, lamaane wada joogay muddo 63 ayaa Isbitaalkii ay ku jireen wakhti isku dhow ku geeriyooday iyagoo gacmaha is haysta. Lamaahan oo kala ahaa Edward  iyo Florin oo da’doodu  ahay 83 iyo 82 sano ayaa sanadkii 1952 is guursaday ka dib markii ay isku barteen Aroos ay isugu yimaadeen. Waxaana la sheegay in lamaanahani maalin keliya aanay kala maqnayn oo midkoodana aanu meel kale ka tegin isagoon kan kale aan la socon.
Edward ayaa Isbitaalka  Roshister la dhigay ka dib markii dhaawac ka gaadhay dhudhunka, laakiin dhakhaatiirta ayaa u sheegay in xaaladiisu xun tahay oo laga yaabo in aanu ka bogsan oo uu dhinto. Markaasi ayuu codsaday in gabadhiisa uu sii maca salaameeyo, laakiin markii uu arinkii u sheegay ayay gashay shoog wadna xanuun ku keenay. Dhakhaatiirta ayaa go’aamiyay in la jiifiyo sariir dhiniciisa oo halkaasi lagu daweeyo Islaanta Florin oo 82 jir ahayd. Nasiib daro islaanta ayaa 20 daqiiqo keliya ka dib dhimatay iyadoo gacanteedu ay saaran tahay tan odayga isagoo odaygana sida dhakhaatiirtu sheegtay uu saacado yar ka danbeeyay. Maamulka Isbitaalka ayaa yidhi “Waxay ahayd geeri naga yaabisay”.
 

Leave a Reply