Isbitaalka Ayaa Looga Eryay Raashin Uu Cunayay!

0
405

Isbitaal ku yaalla dalka Ingiriiska ayaa eryay nin ku jiray oo ka cabanayay buurni xad dhaaf ah. Ninka oo lagu magacaabo Stephen Asante oo 33 jir ah ayaa lagu dawaynayay Isbitaalka isagoo miisaankiisu noqday 340 Kg.
Mudadii uu ku jiray Isbitaalka oo dhamayd 80 maalmood ayuu dhakhtarku u qoray cuntooyin gaar ah oo uu qaato, waxaana mudadaasi miisaankiisa ka dhacay qiyaas dhan 150 kg.  Iyadoo isla markaana lagu sameeyay qaliin caloosha ah oo lagu yaraynayay xajmigeeda.
Laakiin Isbitaalka ayaa laga eryay markii ay dhakhaatiirtu aragtay isagoo cunaya iskii raahin aan loo ogolayn inuu qaato oo ah la yidhaa Pizza. Ninkan ayaa sheegay in raashinka dhakhtarku u qoray aanay gaajada ka biinayn, Waxaana uu codsaday in loo dul qaato oo aan laga eryin Isbitaalka. Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in aanay suurtagal ahayn in la iska daayo bukaan ku xadgudbay amaradii caafimaad ee la siiyay.
 

Leave a Reply