Faa’iidada Caafimaad Ee Ay Leedahay Isticmaalka Avocada-Du

0
3213

Avocado da  ayaa waxaa lagu tiriyaa cuntooyinka ugu caafimaadka badan, ayadoo ka samaysan 20 nooc oo vitamino iyo macdan aasaasi ah, sida fiitamiin A iyo G, sidoo kale waxay ka koobantahay magnesium, potassium, fiber iyo protein.
waxay cilmi baaristu xaqiijiyeen cunista avocado da mud 7maalimood oo isku xigta  in ay yarayso 17% heerka karistaroolka dhiiga ku dhaca, sidoo kale potassiumka ku jira afakaadhada wuxuu caawiyaa xakamaynta dhiigkarka.
waxaa lagu tiriyaa avocado da in ay faa’ido u leedahay ka hortaga calaamadaha gabowga ayadoo ay ku jirto maadada ladhaho antioxidant.
avocado da waxaa lagu tiriyaa waxyaabaha afka nadiifiya, waxaana lagu tiriyaa xalka ugu fiican ee af urka, sidoo kale waxay nadiifisaa mindhicirada.
dufanka ku jira avocado da waa mida aan lagu cayilin, wuxuuna kamid  yahay dufanka caafimaadka leh, lkn  kama marna in ay leedahay calorie, 30 gram oo avocado ah waxaa ku jira 300 oo calorie, sidaas darteed khubaradu waxay ku talisaa in aan hal xabo laga badsan maalintii.
 
 

Leave a Reply