Baadhitaanka Maydka madaxweynihii hore ee Burkina Faso

0
370

Qareenka matalaya qoyska madaxweynihii hore ee la dilay ee Burkina Faso, Thomas Sankara, ayaa sheegay in baadhitaanka lagu sameeyay hadhaaga maydkiisa uu muujiyay in rasaas lala dhacay.
Qareenka ayaa sheegay in ugu yaraan 8 qof haatan lagu eedeeyay dilka Mr Sankara, kaas oo la dilay intii uu socday afgambi dalkaasi ka dhacay 1987-dii.
 
Qoyska ayaa waxa ay sugayaan in tijaabooyin lagu sameeyay dhiiga hidde-sidaha ay xaqiijin doonto in maydka uu yahay midka Mr Sankara.
Ku dhawaad sodon sano kaddib geeridiisa, ayaa Thomas Sankara waxa uu weli caan ka yahay gudaha Afrika.
Sawiradiisa ayaa waxa ay ku xardhan yihiin fanaanadaha.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta garabka bidixe ee Afrika ayaa waxa ay xidhaan koofiyado cascas si ay u wayneeyaan.
Qoyskiisa ayaa mudadaasi oo dhan waxa ay sugayeen in la baadho sababaha uu u dhintay Sankara maadaama ninka xilka ka tuuray ee Blaise Compaore, uusan ogolaanin in la baadho maydka ninkaasi.
Hasayeeshee Mr Compaore ayaa laf ahaantiisa waxaa sanadkii la soo dhaafay xilka looga tuuray kacdoon caan baxay.
Iyadoo qaar ka mid ah dadka lagu eedeeyay dilka Mr Sankara ay xubno ka ahaayeen ilaalada madaxtooyada Mr Compaore.
 

Leave a Reply