Toban Qof oo ku Dhimatay Hawlgalo Dalka Burundi

0
372

Boliiska caasimadda Bujumbura waxay sheegeen  in Christophe Nkezabahizi, xaaskiisii iyo laba carruur ah ay ka mid ahaayeen toban qof oo dhintay intii uu socday hawl gal lagu soo furanayay dhowr xubnood oo ka tirsan ciidanka boliiska oo habeenkii salaasada la afduubay.
Burundi waxaa ka dhacayay dilal aan macnahooda la garaneyn oo lagula kacayay ciidammada ammaanka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa mucaaradka bilii ugu dambeeyay.
Rabshaduhu waxay bilawdeen bishii April markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu doonayo in uu mar 3aad isu-taago madaxweynenimo.
Dhibaatadan ugu dambaysay ma cadda cidda ka dambaysay afduubka xubnaha ciidanka boliiska ka tirsan.
 

Leave a Reply