“Waa Damal Dunida Aynu Joogniyo Dadkoo Dhami Hadhsanayaan” GABAY

0
966

Maqaal maanso ah oo tilmaamaya sida ama hab dhaqanka  ganacsiga ee magaceedu yahay Baabullaahi Soofe Company, taasi  oo ah shirkad ka jirta sharci ahaan iyo ganacsi ahaanba wadamadda  Itoobiya, waddanka Jamhuuriyada Somaliland  iyo maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
 
Haddaba daraasad iyo qiimayn uu ku sameeyay   ninka la yidhaahdo Cabdiwahaab Ibraahin Cilmi,  shirkaddan (Baabullaahi Soofe  Company)  oo uu asaasay ninka magaciisa la yidhaahdo Aadan Soofe oo ka asaasay  gobolka Togdheer magaalo madaxdiisa Burco.
 
Qoraagu maanso ayuu ku qeexay hal abuurka hab dhiska hawlaha shaqo, horumarka iyo himilada shirkadda.  Waxaana  astaan u ah geed Damal ah iyo  maabka adduunka iyo dad badan oo hoos yaala magaceeduna  yahay  companiga  Soofe waa  “Damal dunida aynu joogniyo dadkoo dhami hadhsanayaan”.
 
 

  1. Dilaal iyo mallaal iyo dulmi iyo khiyaamiyo nacil, uu dad leeyahay midna laguma darinoo xalaal duhur la quutiyo daacad lagu abuuriyo shirkad weeye Daahir Deeq Ilaahay keeniyo dadkoo dhami hadhsanayaa

 

  1. Nin door aad u sharaf badan oo Somalilander  ah duco waalid lagu hubo Aadan Soofaa dadaaloo dalsan lagu badhaadhiyo shirkaddan dalkiisiyo dadkiisaba u keenoo Ilaahay hadaayee daadeheeye gacaloo diintiisa dhawroo, dawladnimada sharafta leh qaranimo daneeiyo, Ilaahay ha daa’iyee dejiye weeye guul sida

 

  1. Dadka kiisa liitiyo masaakiinta ducufada daryeel ciduu u fidiyiyo dad uu siiyey camal iyo  duul warkiisa uun helay dantuba dhamaanteed ducey raaciyoonoo intuu dunida joogana dib u laaban maaciyoo talo iyo duunyaba dadka wuu horkacayaa daayinkeen ku sharafyoo ninkii doonayoow dhereg duufaan ku qaadyoo ninkii diidanoow dhimo deeq Ilaahay keenoo dalku uu u siman yahay Kembany soofe waa Damal dadkoo dadkoo dhami hadhsanayaa xaasidiinta ducufka ah ee diidan horumarkiisana haddii duulimaad iyo dagaal ay la maagaan ganacsigiisa doorka ah dalka uu ka soo raro dariiqyada uu soo maro dusha kuwa ku qaadiyo meel kastuu ku soo dego dukaamadiisa lagu gado

 

  1. Ciidan uu Ilaah diray dabley samada joogtiyo awliyo dul socotoo difaacay sabaajira dawlad iyo dadweynaba aad baa loo daneey dushaaa laga ilaashaa diina waa nin qaaliya oo qayrkii ma  dagi karo deeq Ilaahay keenoo shirkaddan soofe waa Damal dunida aynu joogniyo dadkoo dhami hadhsanayaa

 

  1. Duufaan wax laayiiyo bacadka iyo dabayshiyo dugsi dhexanta laga galo ilays aan damayn iyo nuur dunida yimi iyo dayax soo baxay iyo Diiriyihii lamahaashiyo dunta reer Togdheeroo Soomaalilandara Deeq Ilaahay keenoo dalkeenuba u siman yahay Kembany Soofe waa Damal dadkoo dhami hadhsanayaa

 
Ganacsiga dalkeeniyo
 
Dadka maalka haystaa
 
Dabeecay yaqaaniin
 
Danaha shirkadda rer hebel kuma daraan qabiil oo
 
Maamulada daneeyee
 
Daaditaya  hawlaha
 
Shaqaalaha adeegyada
 
Cidda shaqada loo diro
 
Waxa ay ku doortaan
 
Daacad iyo aqoon iyo
 
Karti dadaal dhab ah
 
Deeq Ilaahay keenoo
 
Dalku uu u siman yahay
 
Dayax soo baxay iyo
 
Diiriyihii Togdheer iyo
 
Shirkadda Soofe waa Damal
 
Dadkoo dhami hadhsanayaa.

Leave a Reply