Guddoomiyaha UCID Oo KULMIYE Ugu Baaqay In Ay Ku Kala Baxaan Xeerka Xisbigooda

0
248

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay xisbiga KULMIYE  inay loolankoodu noqdo mid sharciga xisbiga lagu kala baxo.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay u waramay Telefiishanka Horn Cable, ayaa waxa kale oo uu ku ammaanay dawladda Itoobiya tallaabadii ay ka qaaday Suldaan Wabarka Fallaagoobay, ee ku dhuumalaysanayay xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ugu horrayn ka hadlaya sida uu u arko loolanka ka dhex taagan xisbiga KULMIYE waxa uu yidhi “Xisbiga KULMIYE ee  xukunka haya, waxaan  waxaan jecelahay in Madaxweynuhu u yimaado,  arrinta Kulmiyena sidii nidaamka ah    xeerka xisbigooda  ay raacaan.”
“Waxa kale oo aan jecelahay in aan tahniyadeedo dawladda Itoobiya oo tallaabo ka qaaday Wabar iyo kuwii la socday. waxa kale oo aan doonayaa in aan tacsiyadeeyo dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday guriga guddoomiyaha gobolka Awdal iyo dhalinyarradii ku dhimatay ciyaaraha, arrintaana door  ayaan ka ciyaaray,  madaxweyne ku xigeenkana laba jeer ayaan u tagay annagu kuma faannno dad baa borabagaando  ka dhigtee oo yidhaahda dawladda ayaanu waxaas kala hadalaye,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
 
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu naqdiyay Dawladaha hoose ee dalka oo ay ku mameen arrimaha dhulka, waxaanu yidhi “Magaalooyinkii kudaafad ayay soo baxeen, annagii soo dooranayna nooma xisaabsana, waxaana la leeyahay waa la soo doortay, shaqana waxay ka barteen dhulka sida loo cuno.”
By. Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply