“Haamaha Dawladda Ayaa Leh Shirkadaha Muwaadiniintuna Way Maal Gelinayaan”

0
280

Berbera (Dawan):- Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo maal-gashiga  Somaliland Bashiir Cabdi Xariir ayaa  shalay si rasmi ah ugu wareejiyay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera midowga shirkadaha Shidaalka  soo dejiya oo maal-gelin balaadhan ku samaynaya.
Wareejinta Haamaha Shidaalka ee Berbera ayaa ka dambaysay ka dib markii Haamaha Kaydka Shidaalku  u baahdeen dayactir iyo Maal-gelin in lagu sameeyo, taasoo ay balan-qaadeen in ay maal-gelin kasta oo  dhaqaale oo ay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera u baahdaan in ay u hurayaan midowga Shirkadaha Shidaalka soo waarida ee Somaliland.
Munaasibad lagu qabtay shalay Xarunta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo si rasmi ah Haamaha loogu wareejinayay  Midawga shirkadaha shidaalka ka ganacsada ayaa waxaa ku wareejiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Barshiir Cabdi Xariir oo caddeeyay in Haamaha Kaydka Shidaalka uu Qaranku leeyahay.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray Wasiir Bashiir in shirkadaha  muwaadiniinta ah ee Haamaha lagu wareejiyay in ay maalgelin ku samaynayaan isla markaana Haamaha ay horumarin kasta oo ay u baahan yihiin ay fulinayaan.
Iyadoo ay Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera  isla shalay-ba loo magacaabay Maareeye  cusub oo ah Maareeyaha imika  laga bedelay Maareeyihii ka horreeyay oo aan ka mid ahayn shirkadaha laakiin Maamulka Haamaha  uga wakiilka ah shirkadaha lagu wareejiyay isla markaana si dhex ah ugu wada adeegaya dhammaan shirkadaha shidaalka ka ganacsada ee dalka oo dhan.
Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga  ayaa dhankiisa caddeeyay in shirkadaha lagula xisaabtamayo halka ay Maanta Haamuhu marayaan iyo waxay ku soo kordhiyaan. “Haamuhu Berbera kama guurayaan waxaana leh qaranka oo waa hanti qaran, cid gaar ah oo yeelaynaysaana ma jirto shirkadahana waxaa  loogu wareejiyay in ay maal-gelin ku sameeyaan oo ay ganacsatada dalku ku dhiirato in ay dalka maal gashadaan waana tallaabo wanaagsan  oo dhanka horumarka loo qaaday in muwaadiniintu dalka maal gashadaan. Marka muwaadinku dalkiisa maalkiisa ku aamino ee uu maal-gashado ayay ajaanibkuna danaynayaan maalgashiga dalkeenna.”ayuu yidhi Wasiir Bashiir Cabdi Xariir
By: Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply