Saddex Qoddob oo ay Axsaabta Mucaaridku Ku Fahilmeen

0
394

Xisbiyada mucaaradka ah waxa ay ka gaabiyeen in ay saxaan waxyabaha ay ku eedeeyaan in ay xukuumadda ku khaldantahay. Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI waa mucaaradkii ugu dhaliil iyo eed badnaa intii aynu xisbiyada qaranka sameysanney. Dhinaca kalena waxa lagu tilmaami karaa xisbiyo iska eed bilaashle ah. Inta badan waxa ay maagaan qorsheyaasha horumarineed ee ay xukuumaddu soo jeediso ama ay hirgalineyso.  Haddana eedeyntaasi intooda badan maaha eedeymo wax laga faa’ido.
 
In ay qorsheyaasha xukuumadda dhaliilaan waa mid ka mid ah waajibaadkooda, laakiin dhaliisha ay soo jeediyaan xisbiyada mucaaradka, waxa ka maqan laba arriimood oo muhiim ah: Kow in ay faahfaahin maangal ah ku sameeyaan u jeedka ay aragtidan ama qorshahan ku diidanyahiin. Midda labaad waa in ay keenaan aragti kale oo ka wanaagsan qorshaha ay xukuumaddu soo jeediso. Qorshaha ay ka hor imaanayaan marka ay sabab kaga horyimaadaan, isla markaana ay keenaan qorshe kale oo maangal ah ayaa la’odhan karaa xisbiyadu mucaaradku waa ay saxaan xukuumadda laakiin xukuumadda ayaa dhaga adag oo aan waxba ka dhageysan.
 
Tusaale ahaan, xukuumaddu waxa ay dub u habeyn iyo casriyeyn ku sameysay xaafiisyada iyo xarumaha dowladda oo dhan. Xukuumaddu waxa ay sheegtey in loo baahanyahay in lamuujiyo dowladnimo oo xafiisyadani ingiriisku innagaga tagey la badalo, si indhaha caalamka loo tuso in aynu nahay qaran jira iyo dad wax qabsigoodu muuqdo. Arintaasi waxa siweyn u dhaliiley xisbiyada mucaaradka Soomaalilaand. Waxaabey xukuumadda ku dacaayadeeyeen in ay gidaarrada uun ku waalatey. Haddaba waxa looga baahnaa in ay sheegaan sababta ay ku diideen in layska badalo xafiisyadii baaliga ahaa ee ingiriisku dhisey. Waxa kale oo looga baahnaa in ay soo bandhigaan qorshe ka wanaagsan oo lagu hagaajin karo bilicda iyo meelaha ay indhaha caalamku qabanayaan.
 
Waxa la’odhan karaa, xisbiyada mucaaradku waxa ay mucaaradnimo u haystaan in waxa xukuumaddu soo jeediso uun lagasoo horjeesto. Inta badan halku dhegga mucaaradku waa: waanu cambaareyneynaa, waannu qaadacney, wadanku meel xunbuu marayaa, xukuumaddu qarannimadeennii ayay dub u celisay, iyo waxyaabo kale oo hadal aan wax saxitaan aheyn oo marwalba bulshada wareer iyo naxdin ku abuura.   lasoco qaybta ugu dambeysa.
By:  Qeybtii  4-aad Maxmuud Daahir Cismaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply