“Waxaanu Ka Cabanay Wasaaradda Ciyaaraha Oo Aan Weli Na Qancin” Badhasaabka Maroodi-jeex

0
283

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare), ayaa sheegay in ka gobol ahaan ay si weyn u soo dhawaynayaan xulalka ciyaaraha goboloda u soo baxay wareega siddeedaad ee ciyaaraha gobolladda, kaas oo ka qabsoomi doona garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.
Guddoomiyaha oo shalay xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa shacabka u soo jeediyay in ay iska xil saaraan soo dhawaynta ciyaartogda gobollada nasiibka u helay in ay soo gaadhaan wejiga labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada oo lagu qabanayo caasimadda Hargeysa.
“Waxaanu soo dhawaynaynaa ciyaartoyda gobollada ka imanaya  ee nasiibka u helay in ay ku ciyaaraan caasimada Hargeysa ee gobolka Maroodi-jeex. Waxaanu leenahay walaalayaal soo dhawaada,”ayuu yidhi Badhasaabku.
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex waxa uu xusay in ay ka damqanayaan dhibaato kasta oo soo gaadha dadka ku dhaqan gobolka Awdal, waxaanu yidhi “Dhibaatadii ka dhacday magaalada Boorame, waa dhibaato reer Hargeysa gaadhay, waa dad walaalo ah, waanan u tacsiyadaynayaa labadii qof ee halkaasi ku dhintay. Amar ALLE ayay ku dhacday dadkii ka dhintay, waana dad annaga naga dhintay.”
 
Jeeniyare waxa uu sheegay in aanay jirin iska horimaad dhex maray xulalka ciyaartoygii ku ciyaaarayay magaalada Boorame, iska markaana gobolka Maroodi-jeex ka cabanayo wasaaradda dhalinyarrada iyo Ciyaaraha, waxaanu yidhi “Ma jirto ciyaartoy isku dhacay, waxa aanu gobol ahaan ka cabanay wasaaradda Ciyaaraha, oo aan weli na qancin, markaa iskuma xidhna hawsha noo taalla annaga iyo wasaarada iyo gobol ahaan, iyo soo dhawaynta ciyaartoyda gobolka Awdal, waxaaan ugu baaqayaa shacabka reer Maroodi-jeex in ay soo dhaweeyaan xululka gobolada ku ciyaari doona Hargeysa.”
By. Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply