Heshiisyada dhexmaraya Shiinaha iyo Britain

0
357

Hogaamiyaha dalka Shiinaha, ayaa la filayaa inuu gudbiyo wax loogu yeeray xaruntii ugu horeysay ee Nukliyer ee awoodda koruntada laga dhaliyo ee Britain in la dhiso.

Xaruntaasi waxaa suuragal ah in laga furo Hinkley, sanadka 2025, taas oo loo maleynaayo in Shiinaha uu bixindoono boqolkiiba 30 dhaqaalaha lagu dhisayo.
Madaxweyne Xi Jinping waxa uu maanta la kulmi doonaa ra’iisul wasaare David Cameron galabta oo ah maalintiisa labaad ee booqashada.
Inkabadan £30 bilyan oo pound heshiis ku kacaya ayaa la filayaa in Shiinaha iyo Britain ay saxiixdaan inta ay socoto afarta maalin ee booqashada ah.
Madaxweynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping, waxa uu ka qeybgalay kullan ka dhacay dhismaha boqortooyada ee Buckingham, maalintiisii ugu horeysay ee booqashadiisa Britain.
Hadal ay jeedisay Boqorad Elizabeth waxa ay labada dal ku qeexday xiriirkooda inuu la mid yahay saaxiibada dunida oo dhan, waxayna booqashadiisa ku sheegtay inay tahay mid xilligeeda sharaxeysa.
Weriyayaasha waxa ay sheegayaan in Shiinaha uu rajeynaayo in uu noqdo dalka maalgashada mustqbalka iyo dhismaha mashaariicda Britain tobannaanka sano ee soo socta.
Britain waxa aya Shiinaha u aqoonsaneysaa saaxiibkeeda ugu weyn ee masraxa caalamka, taas oo ka hortageysa waxa maamulka Beijing ay u arkaan galaangalka Mareykanka ee Yurub.
Xilli sii horeysay, Mr Xi waxa uu khudbado ka jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka, asigoo mahdiyay wax uu ugu yeeray xiriirka muhiimka ah ee Beijing iyo London.
Sidii markii hore la filaayay, ma aysan dhicin dibad baxyo looga soo horjeedo arrinta xuquuqda aadanaha ee Shiinaha.

Leave a Reply