Ruushka iyo US oo ka heshiiyay howlgalka Suuriya

0
387

Mareykanka iyo Ruusha waxa ay ku heshiiyeen bayaan isfahan ah si ay u yareeyaan halista kaga imaan karta diyaaradahooda dagaalka inuu shil ka dhex dhaco inta ay dul wareegayaan hawada dalka Suuriya.

Tani waxa ay imaanayaa iyadoo Mareykanka uu dhowr jeer Ruushka ku eedeeyay duulimaad aan badqab iyo xirfad aan lahayn iyo inay diyaaradaha kale aad ugu soo dhowaanayaan.
Ku xigeenka wasiirka difaaca ee Ruushka, Anatoly Antonov, waxa uu sheegay in isfahanka lagu heshiiyay uu labada dal u suuragelinayo inay si nabad ah u fuliyaan howlgalkooda dalka Suuriya.
“Waxaan u eegeynaa sida tallaabo wanaagsan, heshiiskan isfahanka ah ee dhexmaray Wasiirka difaaca ee Ruushka iyo waaxda difaaca ee Mareykanka, kaas oo lagu nabadeynaayo duulimaadyada howlgalka Suuriya.” ayuu yiri Mr Antonov.
Waxa uu intaa ku daray, “Bayaankan waa u muhiim farsamada aan isticmaaleyno. Waxa ay shuruuc u sameyneysaa hwolgalada ay ka qeybgalayaan diyaaradaha duuliyaha leh iyo kuwa duuliye la’aanta ah ee hawada Suuriya.”
Mr Antonov waxa uu intaasi ku daray in xukuumadda Ruushka ay isbeheysiga ka dalbatay wada shaqeyn ballaaran oo ay ka mid tahay wadaagidda xogta sirta, laakiin waxa uu sheegay in Amerikanka ay diideen arrintaasi.

Leave a Reply