Hargaysa (Dawan): Golaha Wasiirradda Somaliland, ayaa aqalka Wakiiladda u soo gudbiyay shan xeer baahi weyn loo qabay oo la xidhiidha nidaamka maaliyadda iyo xisaabaadka dalka, oo muddo badan laga sugayay xukuumadihii u kala dambeeyay tallada dalka. Xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda C/risaaq Siciid Ayaanle, oo shalay hadal ka jeediyay tababar uu golaha wakiiladu u qabtay ardayda wax ka barta jaamacadda Hargaysa, ayaa sheegay in ay isla shalay golaha wasiirradu u soo gudbiyeen Wakiiladda shan xeer oo muhiimad u leh qaranka.
“Waxaa golaha maanta (shalay) loo soo gudbiyey shan xeer oo aad muhiima ugu ah qarankan oo aad loo sugayay.Shantaas xeer oo kala ah: Xeerka maaraynta maaliyada iyo xisaabaadka, xeerka Hanti-dhawrka guud,Xeerka Kastamadda, Xeerka dakhliga cashuuraha berriga iyo xeerka qandaraasyadda dawladda Somaliland. Xeerarkaasi waa xeerar aad u muhiim ah qarankeenna waa xeerar in badan laga sugayay illaa dawladii ina Rayaale. Golaha Wasiirrada ayaa soo gudbiyay shirguddoonkuna waxa uu u gudbin doonaa gudiyada ku shaqada leh,”ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee aqalka wakiiladdu.
Dhinaca kale Mr. C/risaaq Siciid Ayaanle wax auu shalay kulan uga furay xarunta golaha ardayda wax ka barta Jaamacada Hargeysa, kaas oo ku saabsanaa sidii ardayda Jaamacadaha dalku wax uga baran lahaayeen xeerarka dalka u yaalla iyo shaqada uu qaranka u qabto golaha Wakiiladu.
C/risaaq Ayaanle mar uu ka hadlayay kulankaasi goluhu u qabtay ardayda Jaamacadda Hargeysa iyo waxa uu ku saabsan yahay waxa uu yidhi “Waa barnaamij aanu ugu tallo galnay in dhalinyarradu fahmaan doorka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo shuruucda dalka. Kuwani waa ardayda jaamacadda Hargeysa, bisha dambena jaamcadaha kale ayaan u qaban doonaa illaa jaamacadaha gobollada ayaanu gaadhsiin doonaa. waa barnaamij la isku fahamsiinayo golaha wakiiladdu waxa uu u qabto oo dhallinyarradu tahay dadkii bedeli lahaa xildhibaanada kuraasta fadhiya.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office