“Waxaanu Ku Heshiinay Ma Jiro Ee Waxaanu Isla Jilcinay Arrimo Farsamo..” Wasiirka Duulista

0
286

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa ka war bixiyay shir afar geesood ah oo ay kaga qayb galeen dalka Turkiga isla markaana lagaga wada hadlayay hawadda  Somaliland iyo Soomaaliya.
Shirka oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka kala socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Madax ka socotay Hay’ada Duulimaadyada u qaabilsan Qarramada Midoobay ICAO Iyo masuuliyiin  ka tirsan Dawladda Turkiga.
Wasiirka Wasaaradda Duulista oo shalay dalka ku soo laabtay ayaa madaarka Cigaal kula hadlay warbaahinta waxaanu sheegay in waxyaabaha shirkaa lagaga wada hadlay  waxyaabo  badan isku afgarteen  oo ah dhanka farsamada isla markaana ay waxaa uu tilmaamay in wixii siyaaasadda ee kala khuseeya siyaasadaha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya  ee la xidhiidha dhanka Hawada in lagu celiyo shirka wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.
“Horta waxaanu ka qeyb-galay shirkii wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo ka furmay dalka Turkiga,shirkaasoo ahaa shir afar geesood ah oo ay ka wada qeyb galeen masuuliyiin ka socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya,dalka Turkiga iyo Hay’adda duulimaadydada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO. Runtii waxaa u ahaa shir weyn oo masuuliyiin badani dhanka Somaliland uga qayb gashay oo ay igu wehelinayeen Wasiir ku-xigeenka iyo masuuliyiin kale,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Wasiirku  waxaa uu intaa ku daray “Wax heshiis ah oo aanu kala saxeexanay  ama aanu meel ku ururuninay oo warbaahinta iyo dalalka aanu ka kala nimid ku celinay ma jiro, waxaan  dareensan nahay inaad ogaan lahaydeen, hasayeeshee wax ka soo baxay in aanu runtii wax badan ka wada hadlanay arrimihii farsamada, annaga oo kaashanayna Haya’adda ICAO, waxa  aan is leeyahay wax badan ayaanu jilcinay.”
“Waxaa jirta arrimaha hawadu waxay leeyihiin culayskooda maaha mid fudud,  maaha mid deg deg iyo caadifad lagaga arriminayo waana taa ta loo baahan yahay in ay wada ogsoonaadaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shirkaa aanu Soomaaliya wada yeelanay ee ay nalaga soo qeyb galeen madaxda Hay’adda ICAO iyo labada wasaaradood ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Labada dal mid kastaaba siyaasad iyo mabaa’dii ayuu leeyahay oo uu doonayaa in uu hawadiisa ku maamulo waana ta aanu doonayno in labada dal hawadooda loogu soo celiyo, laakiin annagoo duruufaha eegayna oo kaashanayna hay’adda ICAO. Wax badan ayaanu arrimihi farsamada isku soo dhawaanay laakiin arrimihii siyaasiga ahaa waxaanu u riixnay oo aanu u daynay in lagaga wada hadlo shirka wada hadalka labada dal,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duuliska Hawaddu.
By: Faysal Xiis Weerar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply