Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye ayaa sheegay in ka go’an tahay sidii uga shaqayn lahaa midnimadda umadda Somaliland.
Xaglo toosiye ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay Khamiistii Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa oo uu kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay murashaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa waxaana uu xusay in doorashooyinka soo socdaa ka qabsoomi doonaan magaaladda Buuhoodle.
“Nabadii way dhacday waxa imika u taagan nahay in aan ka shaqeeyo midnimadda Somaliland iyo horumarka marka la helo midnimo iyo nabad, aqoonsiguna wuu imanayaa. markaa barnaamijkaygu waxa uu ku salaysan yahay midnimadda ummadda Somaliland dadka bariga in badan ayaa la lahaa way maqan yihiin waanay yimaadeen oo way joogaan,”Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
Wasiirka caafimaadka waxa uu beeniyay in aanay codaynan dadka ku dhaqan gobollada Barrigu waxaana uu yidhi “Nimanka meelahaa la wareegaya Harti diyaar uma aha inay codeeyaan waxaan leeyahay waa beenaaleyaal ujeedooyin kale leh. Beelaha Harti waa diyaar inuu codeeyo inuu is diiwaan-geliyo iyo inuu coddeeyo doorashooyinka waxa aan idiin balan-qaadayaa in reer Buuhoodle u codayn doonaan doorashooyinka iska daa meelaha kale dawladnimadu ka jirtee markan waxa aan balan-qaadayaa in aanu keeno cod aad u tiro badan doorashada soo socota.Somaliland waa u baahan tahay in dadkaasi codeeyaan oo ay dawladda Somaliland si buuxda uga mid noqdaan.
Dawannews Hargeysa office.
Home Wararka Dalka “Waxaan Ka Shaqayn Doonaa Midnimada Iyo Horumarka Ummadda Somaliland” Xagla-toosiye Oo...